4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Shirkada Hormuud oo deeq gaarsiisay bukaanada ku jira isbitaalka Magaalada Kismaayo (DAAWO)
Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) —Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa deeq lacageed gudoonsiisay bukaanada ku jira isbitalka guud ee degmada Kismaayo, iyadoo deeqdani ay ahayd lacago kaash ah oo la siinayay bukaanada.

Bukaanada ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan $100, iyadoo sidoo kale ay shirkaddu deeqdan gaarsiisay isbitalka lagu daryeelo carruurta ay heeysato nafaqa darrada ee magaalada Kismaayo.

Halkan ka daawo warbixinta.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.