4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Dugsi mataan la ah Jaamacadda Banaadir oo Duleedka Muqdisho laga Hirgeliyey (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa maanta ka furay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho dugsi hoose dhexe iyo sare, kaasoo la mataan ah Jaamacadan.

Xaflad looga dhawaaqayey furitaanka dugsigan ayaa lagu qabtay maanta xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Banaadir oo ku yaalla isla degaanka Garasbaaley taasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta Jaamacada qaarkood, arday, waxgarad ka tirsan degaanka iyo xubno kale.

Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ugu horeyn ka hadlay xafladaas ayaa ka waramay ujeedooyinka loo furay dugsigan iyo faaii’dada uu u leeyahay bulshada degaankaas.

"Ka dib codsi nooga yimid dadka degaanka Garasbaaley oo noo sheegay iney u baahan yihiin iskuul ay wax ku bartaan caruurtooda maadaama aysan jirin iskuulo waaweyn oo degaanku leeyahay ayaa maamulka Jaamacada Banaadir wuxuu go’aansaday inuu degaanka ka hirgeliyo dugsigan" ayuu yiri Dr Biday.

Waxa uu intaa ku daray Dr. Biday helitaanka iskuul leh tayo waxbarasho oo dhameystiran ay qeyb ka tahay ujeedooyinka ay u fureen dugsigan hoose dhexe, wuxuuna xusay inuu wax badan ka duwan duwanaan doono iskuulada la mid ah ee magaalada Muqdisho oo uu xusay in badankood aysan ka jirin waxbarasho tayo leh.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacada oo ka jawaabeysa codsiga dadka degaanka ay hirgelisay iskuulkan si dadka degaanka looga haqabtiro baahida waxbarasho ee ay qabaan ubadkood

"Waxaa farxad ii ah inaan ka soo qeyb galo xafladan qiimaha badan ee lagu furayo dugsiga hoose dhexe ee Jaamacada Banaadir oo laga hirgeliyey degaanka Garasbaaley, waxaana dhihi karaa furitaanka dugsigan iney tahay fursad qaali ah oo u soo hoyatay ubadka degaankan" ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Jaamacadda Banaadir uu wax badan kaga duwan yahay dugsiyada la midka ah ee ka jira Muqdisho.

"Waxyaabaha uu dugsigan kaga duwan yahay kuwa la mid ah waxaa ka mid ah isagoo xagga tayada waxbarashada ka sareeya iskuulada kale, waxaa dugsigan wax ka dhigi doona macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda Banaadir oo xitaa aniga aan ku jiro, ardayda wax ka baran doonta dugsigan waxay fursad u heli doonaan iney ka faa’iideystaan qalabka iyo sheybaarada ay wax ku bartaan ardayda Jaamacadda, sidoo kale ardayda ka baxda dugsigan iyagoo aan gelin imtixaanka qubuulka ayey toos u dhigan doonaan jaamacadda" ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir oo dhinaca kale ku dheeraaday horumarka ay ku talaabsaneyso jaamacadda iyo fursadaha ay u heyso ardayda Soomaaliyeed.

Cabdi Muuse Maaxaay oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka ayaa isna ka hadlay xafladan wuxuuna ku dheeraaday faa’iidada ay waxbarashadu leedahay iyo kaalinta Jaamacadda Banaadir ay kaga jirto kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay goob joog inuu ka noqdo furitaanka dugsigan.

Shiikh C/qaadir oo ku hadlayey magaca dadka degaanka ayaa isna munaasabadaas ka sheegay iney aad ugu baahnaayeen dugsi hoose dhexe iyo sare oo ubadkooda ay wax ku bartaan isagoo xusay in degaanka Garasbaaley uu yahay degaanka balaaran oo aan laheyn iskuulo, wuxuuna Jaamacada Banaadir uga mahad celiyey dugsigan ay ka hirgeliyeen degaanka.

Munasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxa sidoo kale ka mid ah xubnaha ka hadlay hormuudka kulliyada culuunta Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Prof. Xasan Kaafi, hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada Raage Maxamed iyo xubno kale.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo xubno kale ayaa kormeeray qaabka uu socdo imtixaanka gebagebada ah ee sanad dugsiyeedka Jaamacadda oo socday muddo 10 bilood ah kuna eg bishan, isagoo u kuur galay habsami u socodka imtixaankan oo arday fara badan ay fadhiyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya