4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Cunno-qabteyn lagu soo rogay saraakiil ka tirsan Mucaaradka iyo Xukuumadda Koonfurta Sudan


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo rogtay cunno-qabateenno lix sarkaal oo kasoo jeeda Koonfur Suudaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hurinayaan colaadaha dalkaasi ka socda.

Saraakiishan ayaa waxay ka kala tirsan yihiin dhinacyada isku haya dalkaas oo ay Sannad ka hor colaado Sokeeye ka dillaaceen, kuwaasoo ka dhashay khilaaf awood-qaybsi ah oo soo dhex-galay Salva Kiir iyo Riek Machar..

Cunno-qabateenadan ayaa waxay imaanayaan maalmo kaddib markii QM ay soo saartay warbixin eedo loogu jeediyay ciidamada dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo la sheegay inay kufsadeen oo ay nolosha ku gubeen haween iyo gabdho yaryar oo ku noolaa gobolka Saliidda Qaniga ku ah ee Unity State, intii uu socday dagaal ka dhan ah ciidamada iyo fallaagada ku loolamaya awoodda dalkaas.

Xubnaha xayiraadda lagu soo rogay waxaa ka mid ah - Abaanduulaha Ciidamada ilaalada madaxweyne Salva Kiir iyo laba Jeneraal oo kale oo ciidamada ku sugan gobolka Unity hoggaamiya, gobolkaas oo ah kan ay ka dhaceen dhibaatooyinkii ugu daran ee colaaduhu sababeen.

Sidoo kale, Cuno-qabateynta Golaha Amaanka ee QM ayaa waxay saameynaysaa Saddex Hoghaamiye oo aad xulafo dhaw ula ah hogaamiyaha fallaagada Koonfurta Suudaan, Riek Machar.

Dhanka kale, bayaan ay soo saartay safiirka Dalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Samantha Power ayay ku sheegtay in Dhammaan dhinacyada mas'uulka ka ah Gabood-fallada ka dhacay Koonfurta Suudaan ay Waajib tahay in lala Xisaabtamo.

Toddobaadka soo socda ayaa dalka Koonfurta Sudan looga dabaal-dagayaa sanad-guuradii Afraad ee kasoo wareegatay markii uu dalkaas xorriyadiisa ka qaatay dalka Sudan, kaddib colaado muddo soddomeeyo sano ah soo socday.

Ugu dambeyn, laba milyan oo qof ayaa lagu barakaciyay colaadaha ka taagan dalka aadka u da’da yar ee Koonfurta Suudaan, kaasoo ay colaaddu ka billaabatay bishii December ee sannadkii 2013-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya