4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Mareykanka oo weydiistay dalka Switzerland inay kusoo wareejiso Saraakiil ka Tirsan Ururka FIFA


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Mareykanka ayaa ka codsatay dalka Switzerland in ay kusoo wareejiso Toddobo ka mid ah saraakiishii u sareysay hay’adda FIFA ee bishii May loo xiray eedeymo la xiriira musuq-maasuqa.

Codsiga Mareykanku uu ku doonayo in Toddobada Xubnood ee hay'adda FIFA ka Tirsan loo soo gacan-geliyo ayaa maalintii shalay loo gudbiyay Wasaarada Cadaaladda Waddanka Switzerland.

Saraakiishan iyo Qareenadooda ayaa sidoo kale waxaa laga doonayaa inay arrintan rafcaan muddo 14-maalmood gudahodo ah, iyadoo laga yaabo in waqti kordhin loo sameeyo.

Wasaaradda Cadaalada dalka Switzerland ayaa haysata 14 maalmood, si ay uga jawaabaan codsiga, waxaana haddii ay racfaan ka qaataan ay qaadaneysaa muddo bilooyin ah in saraa-kiishan loogu gacan-geliyo Mareykanka.

Booliiska Switzerland ayaa bishii May xabsiga dhigay 14 xubnood ka tirsanaa waraakiisha FIFA, kaedib markii lagu soo eedeeyay inay qaateen lacago laaluush ah Malaayiin Doollar ah.

Ugu dambeyn, Fadeexadda musuqmaasuq ee hareysay FIFA ayaa soo jiitameysay bilihii u dambeeyay, taasoo keentay inuu is-casilo Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter oo hadda ah sii hayaha xilka madaxnimo ee Hay’adda FIFA.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya