4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Ciidamada AMISOM oo la sheegay inay isaga soo baxeen degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay Faarujiyeen Deegaanka Aw-dheegle ee gobalkaas, halkaasoo ay dib ugu laabteen kaddib markii ay Al-shabaab laba jeer oo isku xigta weerareen degmadaas bishii lasoo dhaafay.

Taliyaha Booliiska degmada Aw-dheegle, Xasan Salaad ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada AMISOM aysan ku war-gelin markii ay deegaanka ka baxayeen, lana arkay oo keliya iyagoo guuraya.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Tilmaamay in hadda Amniga Deegaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia, inkastoo uusan bixin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan xaaladda degmada ka jirta.

“Ma garanayno sababta ay Ciidamada AMISOM u baxeen degmada, laakiinse Aw-dheegle hadda annaga ayaa gacanta ku hayna, waxaana nala jooga Ciidamada Xoogga dalka,” ayuu yiri Xasan Salaad.

Degmada Aw-dheegle ayaa waxaa dhowr jeer oo isku xigta weerartay Al-shabaab oo kala wareegtay ciidamada dowladda Somalia oo halkaas ku sugnaa, inkastoo uu booqday weerarradaas kaddib madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, wixii ka dambeeyay 26-kii bishii hore oo Al-shabaab ay Weerar culus ku qaaddady saldhig ay AMISOM ku lahayd deegaanka Leego ayaa waxaa, ayay ka baxeen ciidamada AMISOM dhowr deegaan oo ay horay uga qabsadeen Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, taliska AMISOM iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaan weli ka Hadlin ka bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika la Sheegay inay ka baxeen Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya