4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
SOMALILAND: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu Xiray Magaalada Boorama


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga u Taxaabtay xildhibaan ka tirsan Dowladda Fadaraalka Somalia oo si qarsoodiya ku yimid Magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa xaqiijiyey xadhiga mudanahaasi ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu xusay in sharciga la horgeyni doono, madaama oo uu ku kacay khiyaamo qaran.

Xildhibaanka la xidhay ayaa magaciisa la yidhaa Xildhibaan Axmed Xuseen Xasan,kaas oo lagu eedeeyey dambi khiyaamo qaran.

Somaliland ayaa xeer ka soo saartay qofkii reer Somalilnad ah ee xil ka qabtay Dowladda Soomaaliya lagu oogi doono khiyaamo qaran iyo inuu qaranka khiyaameeyey, iyadoo ay ka mamnuuc tahay in qof masuul ah oo ka tirsan Soomaaliya uu Somaliland yimaado, iyadoo inta badan la mustaafuriyo qof kii magaalooyinka Somailand lagu qabto ee xil ka haya dawladda Soomaaliya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland