4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Munaasabad lagu Xusayay Maalmaha Xoriyadda Somalia oo lagu Qabtay dalka Turkiga (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu Xusayay 55-guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ee Somalia ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii Koonfurta & Waqooyiga Somalia oo ahayd 01-dii Luulyo 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay safaaradda Somalia ee Turkiga; waxaana kasoo qayb-galay RW ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulus, siyaasiyiin, dublamaasiyiin, ganacsato, saraakiil ciidan, Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ku sugan

Sidoo kale, waxaa kasoo qayb-galay inta badan safiirrada dalalka caalamka u jooga dalka Turkiga iyo Xillibaanno ka tirsan baarlamaanka Turkiga, iyadoo xafladda lagu billaabay afur, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Afurka kaddib ayaa waxaa xafladda daah-furay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ugu hambalyeeyay Shacabka iyo dowladda Somalia sannad-guuradda 55aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Soomaalia; wuxuuna sidoo kale ka hadlay horamarka ay ku tillaabsatay Soomaaliya sannadihii u dambeeyay; isagoo ku dhiirri-geliyay ganacsatidii kasoo Qayb-gashay xafladda in ay Soomaaliya maal-gashadaan.

Intaa kaddib waxaa isna goobta ka hadlay Raiisul wasaara ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulus oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay mar walba u garab-taagan yihiin Somalia iyo inay muhiimad gaar ah u leedahay Somalia, ayna ka caawinayaan dhan walba ammaanka iyo horomarinta dalka; ayna sii wadi doonaaan caawinaada ay la garab-taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa kusoo idlaatay jawi aad u degen farxad iyo rayn-rayn ayadoo dhammaan dadkii kasoo qayb-galay ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanaayeen u dabaal-degga maalinta xorriyadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya