4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
FARMAAJO: Waa in la xoojiyo Qaranimada iyo Midnimada Somalia lana dhiso Ciidamada Xoogga Dalka


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay sannad-guuradii 55-aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya xowday ayna midoobeen Gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la adkeeyo Qarannimada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in maalmaha xoriyadda dalka ay Qiimo weyn ku fadhiyaan, isagoo xusay in Somalia markii ay xorwday illaa dowladdii dhexe ay burburaysay ay ahayd Qaran Ixtiraam iyo Qadarin weyn ku leh Caalamka oo dhan.

“Dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay oo qaarkood ay u dhinteen, ma ahayn qor-shahoodu in markii ay xorriyadda keenaan uu dalkan kala tago, gobollo loo kala goo’go’, dagaal sokeeye uu dhaco, inay dalka kooxo xagjiriin ah yimaadaan iyo inay ciidammo shisheeye oo ka socda dalal aan innagu qaarkood xoreynay ay nagu kala dhex-jiraan oo ay na kala ilaaliyaan. Runtiina taasi waa ayaan-darro weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, RW-hii hore ee Somalia ayaa intaas ku daray in wax laga naxo ay tahay in Somalia ay heerka ay maanta taagan tahay ay tago, halkii laga filyay inay noqoto dalalka ugu horumarsan Qaaradda Afrika.

“Mas’uuliyiinta Soomaalida waa in aysan eegin kala Qaybsanaantooda, Laakiinse ay ogaadaan inay ku taagan yihiin midnimada Soomaaliya, muwaadiniintii xorriyadda keenayna ujeedkoodu ma ahayn inay Maamul-goboleedyadu dagaalamaan ama la isugu duulo beel-beel. Balse ujeeddadu waxay ahayd in la ilaaliyo Midnimada dalka Somalia oo midnimadaas lagula xisaabtamo caalamka,” ayuu Farmaajo mar kale yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Haddii aanay Midnimo jirin - maamul ma jiri karo. Marka waxaan leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa inaand wax walba la hor-marisaan danta guud, ayna wada shaqeeyaan. Waxaana hubaa in qof wlaba oo Soomaali ah uu ku haminayo inuu dalka madax ka noqdo, waxaana qofka raba inuu dalka madax ka noqdo uu ilaaliyo midnimada, Qaranimada iyo sidii ay Somalia ku wadajiri lahayd.”

Farmaajo ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwii dhibaatadii ugu badnayd ay soo gaartay, isagoo xusay inay tahay in Dumarka Soomaaliyeed loo hambalyeeyo, maadaama ay u soo dhabar-adaygeen dhibaatooyinkii gaar ahaan u soo maray iyo tii guud ee dalka soo martay muddadii lagu jiray burburka.

Dhanka kale, Farmaajo oo wax la weydiiyay su’aal ahayd weerarkii khasaaraha badan uu kasoo gaaray ciidamada AMISOM ee ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa sheegay inuu horay u sheegay haddana uu ku celinayo in dagaal oo keliya aan looga adkaan karin Al-shabaab, laakiinse looga adkaan karo; in hanaan siyaaseed la isitmcaalo, taasoo ah in cafis loo fidiyo.

“Anigu markii aan ra’iisul wasaaraha ahaa waxaan saddex bilood oo kasta cafis u fidin jiray dhallinyarada Al-shabaab, mar keliya ayaa waxaa noosoo galay 300 oo dhallinyaro ah; waxaan u sameynay meelo lagu xannaaneeyo. Waxaana loo baahan yahay in la kala saaro Al-shabaab sida Ajnabi iyo Soomaali, cid walba oo laga soo jiidan karo laga soo jiito ee aan colaad keliya la eegin,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyn, RW hore ee Somalia ayaa hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay in lala furo wadahadal xubnaha ugu macquulsan Al-shabaab, in la helo sirdoon Somali ah oo la soconaya dhaqdhaqaaqyada kooxda xagjirka ah iyo in ciidamada dalka dib loo dhiso, xuquuqdoodana iyo daryeelkoodana la dhameystiro, si askariga uu niyad ahaan u noqdo mid deggen una difaaco dalkiisa iyo dadkiisa.

“AMISOM dalkan kama saari karto Al-shabaab, ee waxaa ka saari kara ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo qalabka ay u baahan yihiin iyo tababar ay helaan, balse ciddii ku fikiraysa in ciidammo shisheeye ay Al-shabaab ka xoreyn karaan dalka, waxaan leeyahay taasi ma suuro-gelayso. Shacabkana waa inay ciidanka la shaqeeyaan.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya