4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Iska-horimaad Maanta ka dhacay Bujumbura oo lagu dilay lix Qof oo shacab u badan (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Magaalada Bujumbura ee Xarunta dalka Burundi ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday Colaado u dhexeeya Ciidamada Booliiska iyo Dadweyne Taageersan kooxaha Mucaaradka ah ee diidan in Madaxweynaha dalkaas uu mar kale xilka Qabto.

Afhayeenka Booliska Burundi ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Arbaco ah in in isku dhacyo dhexmaray ciidammada iyo dad rayid ah lagu dilay 6 qof, tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.

Xasillooni-darrada ayaa ka taagnayd Burundi tan iyo bishii abriil ee Sanadkan, markaasoo Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad xafiiska talada dalkaas u tartamayo.

Kooxaha mucaaradka ah ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci-darra ah. Iyadoo ay Goob-joogayaal ku sugan caasimadda dalka Burundi sheegeen in dad hubeysan oo rayid ah ay la dagaalameen ciidamada booliiska dalkaas.

“Iska-horimaadyada maanta dhacay waxaan ku dilnay shan rayid ah oo hubeysan, innagana waxaa nooga dhintay hal askari booliis ah, waxaana nooga dhaawacmay laba askari oo ka tirsan booliiska,” ayuu yiri Pierre Nkurikiye oo ah ku xigeenka Afhayeenka booliiska dalka Burundi.

Nkurikiye ayaa intaas ku daray in Dagaalku Qarxay kaddib markii Ciidamada Booliisku ay Bujumbura ka billaabeen Howlgal ay hubka uga dhigayeen kooxo dibadbaxyo ka dhigayay xaafadda Mutakura.

“Ciidanku waxay ku guuleysteen inay hub ay ka mid ahaayeen laba qori oo ah kuwa daran-doorriga u dhaca ah iyo Rasaas ay kasoo furteen Dibad-baxyaashii ay isku dhaceen, iyagoo kala eryay, xaaladduna hadda waa deggen tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Nkurikiye.

Dagaalkan dhex-maray Ciidamada Booliiska iyo rayidka hubeysan ayaa imaanaya xilli ay dalkaas ka socdaan doorashooyinka madaxnimada oo murashaxiinta xilka u tartamaya uu ku jiro madaxweynaha xilka haya ee Pierre Nkurunziza.

Ugu dambeyn, 70 qof ayaa ku geeriyooday qalalaasha dalkaas ka socday saddexii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo ay ku barakaceen xasillooni-darrada ka Burundi ka taagan 127,000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya