4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Madaxweynaha oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Guddigii Qaban-Qaabada Maalmaha Xorriyadda


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa Xaflad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusayo Munaasabadda 01-da Luulyo ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada Xubnaha labada Gole ee Dowladda FS, Taliyeyaasha Ciidammada, Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xasan Sheekh oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa mar kale Hambalyo Xuska 55-Guuradii Xornimada iyo Midowga Soomaaliya u diray Shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dar-daarmey inay la yimaadaan Midnimo iyo is-jaceyl dhexdooda.

Intii munaasabadu socotay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shahaaddooyin sharaf guddoonsiiyay gudiyadii kala duwanaa ee ka qayb-qaatay isku-dubbaridka Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo soo billaabatay 26-kii Juun.

Xubnaha Shahaadooyinka la Guddoonsiiyay Waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta DFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ahaa Guddoomiyaha guddigii Xafladaha soo qaban-qaabiyay, Taliyaha Ciidamada xoogga Dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Booliska, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamid, Taliyaha Asluubta, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Nabadsugidda, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Ugu dambeyn, Waxaa Munaasabada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Ra'iisul Wasaare ku Xigeenkiisa, Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf iyo Xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya