4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Wasiirka Difaaca Somalia oo Xarigga ka Jaray Xafiisyo Cusub oo ay Leeyihiin Ciidamada Cirka


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyo cusub oo ay leeyihiin ciidanka cirka, kuwaa oo ku yaalla xerada ciidamada Cirka ee Afasayooni, waxaana xafiisyadan ay qayb ka yihiin Qorshaha dib u dhiska Ciidamada Somalia, iyadoo Munaasabadda Furitaanka ay ka Qayb-galeen taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, taliyaha ciidanka badda, Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidamada Cirka Somalia, Jen. Maxamuud Sh. Cali (Dable Baylood) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Somalia.

Taliyaha ciidamada Cirka Somalia, Jen. Maxamuud Sheekh Cali ayaa sheegay in dhismaha xafiisyada cusub ay gacan ka siisay Dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta, sidoo kalana dhinacooda ay bixiyeen qayb ka mid ah qarashka ku baxay dhismaha, isagoo hadalkiisa ku daray inay dhismaha xafiisyadan door ka qaadan doonaan horumarinta & shaqada Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Diini ayaa isaguna xusay in Wasaaradda Difaaca DF ay gacan buuxda ka gaysan doonto sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen ciidanka Cirka oo Muhiim ah u ah dalka.

“Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaan dadaal ugu jirnay dhismaha ciidamada Cirka oo Qayb ka ah ciidanka xoogga dalka Somalia, waanan sii wadi doonaan dhismaha ciidamada, maanta waxaan u joognaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaha Ciidanka Cirka, kuwaas oo yeeshay xafiisyo ay ku howlgalaan,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca DFS.

Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa xusay Qayb walba oo ka mid ah Ciidamada Xoogga Dalka in ay heli doonaan Adeegyadii ay ku howgali lahaayeen, dowladduna ay ku howlan tahay sidii arrimahaas oo dhan ay u noqon lahaayeen kuwo taabo-gala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya