4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
DHUUSO-MAREEB: Madaxweyne ay Gobollada Dhexe Yeelanayaan oo Maanta la Doortay


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Kulan maalmihii ugu Dambeeyayba uga Soconayay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud ergo sida la sheegay ka kala timid gobollada dhexe Somalia ayaa ugu danbeyntii maanta lagu doortay madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

Kulanka oo Markii hore ay Marti-gelisay Ahlusnna ayaa Waxaa Xilka Madaxweynaha ku tartamay saddex musharax oo kala ahaa; Sheekh Max'ed Shaakir Cali Xassan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maamulka Ximin iyo Xeeb, Maxamed Xaaji iyo Afhayeenkii Maamulkaas Careys Maxamed Xaaji.

Ergada ayaa markii dambe u doortay in uu Madaxweynaha saddex gobol oo la sheegay in ay shirka ku mideysnaayeen, Sheekh Max'ed Shaakir Cali Xassan oo ka mid ahaa Golaha Fulinta ee Ahlusunna Waljameeca.

Doorashada madaxweynaha looga dhawaaqay degmada Dhuusa-mareeb, ayaa imaaneysa xilli Maalinta Sabtiga ee nagu soo foolka leh 04-ta bishan July lagu waddo in magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Gobollada Dhexe, waxaana muuqata in Arrintanni tahay Caqabad Siyaasadeed oo hor leh.

Ugu dambeyn, Ahlusunna Waljameeca ayaa Gacanta ku haysa degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuuso-mareeb oo ay Dhawaan kala Wareegeen Ciidammada Dowladda Somalia, iyagoo Qaadacay Shirweynaha ka socda Magaalada Caaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya