4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta oo afur u qaybiyay qoysas Soomaaliyeed oo Dan-yar ah


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Hay’adda bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq afurin ah oo ka kooban raashin bisil oo ay ugu Talo-gashay Qoysas badan oo ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ka Qaybisay degmada Shangaani, deeqdaas oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 150-qoys., waxaana goobta lagu Qaybinayay deeqdan afurka ah goob-joog ka ahaa, Cali Cabdul Daacad oo ah sarkaal hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadku u wakiilatay Qaybtan deeqdan iyo guddoomiyaha Shangaani, Axmed Xasan Yalaxow.

Ugu horreyn, waxaa goobta ka hadlay wakiilka Hay’adda bisha cas Cali Cabdul Daacad oo Tilmaamay in Barnaamijkan uu Qayb ka yahay Mucaawino ay Dowladda Imaaradaka ugu talo-gashay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan mucaawinooyinka noocan oo kale ah.

Sidoo kale, Daacad ayaa hoosta ka xariiqay inay hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay kafaala Qaaday Afurinta in ku dhaw 50,000 oo qof, kuwaasoo ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana deeq kale ay u Qaybin doonaan waalidiinta aan xilliyada cidda u iibin karin caruurtooda dhar ay ku ciidaan.

Guddoomiyaha Degmada Shangaani, Axmed Xasan Yalaxow oo ka mahad-celiay deeqda afurinta ee lasoo gaarsiiyay degmadiisa ayaa xusay inay gaarsiiyeen caa’ilooyinka ugu liita ee degmada ku nool, isla markaana afurinta ay kusoo aadday waqti loo baahnaa.

"Marka hore waan ka mahad-celineynaa deeqdan afurinta ah ee nala soo gaarsiiyay, Runtii Imaaraadka Carabtu annaga haddii aan nahay maamulka degmada Shangaani dadka kale waan uga sokeynaa, waayo safaaraddooda ayaa Degmada ku taalla, waxaanan codsaneynaa kaalmooyin kale inay nala soo gaaraan. Warbaahintana looga Fadhiyo inay had iyo jeer si wanaagsan u tabiyaan sida Imaaraadku ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shangaani.

Ugu dambeyn, Qoysaskii ka faa’ideystay Raashinka bisil ee Afurinta ah ayaa uga Mahad-celiyay kaalmooyinka ay mar waliba la garab taagan yihiin hay’adda bisha cas Imaaraadka Carabta dadka ku tabaaleysan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya