4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Gudoomiye ku xigeenka WADANI oo ku eedeeyay Xukuumadda SL inay Xir-xirtay Qurbo-joog


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Axmed Mumin Seed ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay iska xidhay qurbo joog reer Boorama ah oo lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin Jabhadda Suldaan Wabar ee mucaaradka ku ah Somaliland.

Mumin Seed ayaa sheegay in haddii ay falalka noocaas oo kale sii socdeen ay halis galin karta amniga dalka, isla markaana qof aan danmi lagu soo cadeyn la xidho ay sharci daro tahay.

"Qarankeenan marka xaaladdiisa guud la eego waa nabad galyo laakiin, waxaa marag ma doon ah in xukumadda Siilaanyo baryahan dambe caado ka dhigatay in dadka reer Awdal la beegsado oo la cabsi galiyo, oo runtii dadka reer Awdal ee qurbejoogta ah ee muddada badan dalkooda hooyo ka maqnaa ee ah dadka Somaliland wax tara ee ka soo qayb qaata qaadhaanka Waddooyinka, Dhakhtarada iyo dhinac walba, kuwaas oo dalka ku soo guryo noqday si xun loola dhaqmay oo habbeennadii u dambeysay imika dad badan guryaha loogu daatay oo la qabqabtay kadib marka laba cisho la hayana la iska soo daynayo," ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaaladda Boorame.

Axmed Mumin Seed ayaa sheegay in aanay haboonayn in la iska xidho qof muwaadin ah iyadoon wax cadeyn ah lagu hayn, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi"Waa in dabagal lagu sameeyaa oo la hubsadaa in qofku dambiile yahay laakiin, dadka qaar haddii la beegsado oo la yidhaa hebel baad ku xidhan tihiin, taasi waxay keeni doontaa nabad galyo darro saamaysa Somaliland, markaa waxaanu xukumadda ugu digaynaa inaan reer Awdal gayin culayskan lagu hayo, waa dadkii Somaliland aasaasay, waa dad nabadgalyada jecel, waa dad aqoon leh..".

Sidoo kale, gudoomiye xigeenka xisbiga WADANI Seed ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay tahay kuwo aan fulin heshiishyaddii ay wada galeen, isla markaana ay adag tahay in la aamini karo.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa xidh xidhay qurbo joog lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin jabhadda Suldaan Wabar, inkastoo markii dambe la sii daayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland