4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Jaamacadda GAARISA ee Gobalka Waqooyi Bari oo dib loo Furayo Kaddib Weerarkii Al-shabaab


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Waxaa socdo Qorshe lagu doonayo in dib loogu howl-geliyo Jaamacadda Gaarisa oo bishii Abriil ee sannadkan uu ka dhacay Weerar Argagaxiso oo khasaare fara badan geystay.

Maamulka Jaamacada Gaarisa, ayaa dhawaan shaaciyay iney dib u furi doonaan xaruntaas waxbarasho. waxayna ku amreen dhamaan howl-wadeenadii ka shaqeyn jiray Jaamacadaas iney dib ugu noqdaan howshoodii.

Prof. Axmed Warfa oo ka mid ah maamulka xaruntaas ayaa ku amray Masuuliyiinta iyo Shaqaalihii Jaamacadda Gaarisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan isaga xaadiriyaan goob-toodii shaqo, isagoona intaas ku daray in bishaan July uu qorshuhu in dib loo bilaabo hannaankii waxbarasho ee jaamacaddaas.

Dhanaka kale Wasiirka Waxbarashada dalka Kenya, Jacob Kaimenyi, ayaa shalay mar uu hor tagay Guddiga Qaranka ee Waxbarashada dalka Kenya, wuxuu difaacay dib u furista jaamacaddaas; oo uu ku tilmaamay eedeymaha iyo diidmada ay kala hor yimaadeen dadka qaar iney tahay mid aanan loo baahneyn.

Wuxuu intaas ku daray Wasiirku, in Jaamacada magaalada Gaarisa aanan loogu tala galin oo kaliya - ardayda ka soo jeedo qoysaska dan yar ah, balse loo baahan yahay in arday kasto oo rabo inuu sii wato waxbarashadiisa jaamacadeed, uu iska diiwaan galin karo xaruntaas oo u ku sheegay iney tahay mid la jaan-qaadeyso heerka waxbarasho ee Kenya.

Si kastaba ha ahaatee dib u howl-galinta jaamacada Gaarisa, ayaa waxey ku soo beegmeysaa iyadoo wali aynan tagin gobalka Waqooyi bari Kenya macalimiintii wax ka dhigi jiray Iskuulada dowladu ay maamusho sababo dhanka amaanka ay ku sheegeen dartiis, sidoo kalana bilihii aynu soo dhaafay ay soo baxayeen baaqyo ku saabsanaa in jaamacadaas aanan dib loo furin madaama arday fara badan ay ku geeriyoodeen.

Jaamacadda Gaarisa oo aheyd mida kaliya ee ku taalay gobalka Soomaalidu ay ka dagto dalka Kenya ee Waqooyi bari, ayaa xirneyd mudo saddex bilood ka badan. Waxaana la xiray Jaamacadaas kadib markii 2, bishii April ee Sanadkaan ay Al Shabaab ku qaadeen weerar ay ku dhinteen 148 qof halka in ka badan 80 kalana ay ku dhaawacmeen.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya