4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Dowladda Somalia oo beenisay inay ka laabatay Dacwaddii Badda ee kala Dhexeysay dalka Kenya


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa waxay ka hadashay warar soo baxayay oo ah inay dib uga laabatay dacwaddii dhanka badda ahayd ee ay maxkamadda Qaramada Midoobay horay ugu gudbisay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu xusay in Maalmihii ugu dambeeyay, warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen inay kala gar-qaataan, iyadoo aan Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay la marin, taasoo macnaheedu yahay in labada waddan ay ku kala baxaan maxkamad la'aan.

Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go'an tahay kiiska sharciga iyo dacwada ah ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka Badaha (UNCLOS).

“Maal-gelinta caalamiga, barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Somalia iyo dalalka dariska ah wuxuu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan, waxaanan u taagan-nahay, kuna ad-keysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay Wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay Dalalka dariska ah, waxaana weli furan soo-jeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhamey-stiran oo lagu Qanacsan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya