4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Munaasabadda 01-da Luuliyo oo looga Dabaal-dagay Magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan [SAWIRRO]


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Magaalada Beledweyne ayaa Habeennimadii Xalay Waxaa lagu qabtay munaasabadda xuska 01-Luulyo oo oo ku beegan markii ay xuroobeen gobolladii K/fureed, islamarkaana is raaceen labadii gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Taliyaha Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan, Col. Towane Axmed Gurey oo Xafladda ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha uu calanka buluuga ah u leeyahay dhamaandadka Soomaaliyeed iyo dhibaatadii laga soo maray xoriyada aynu maanta harsaneynno, isaga oo ku booriyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay si guud u wadda ilaaliyaan midnimada iyo dowladdnimada curdanka ah.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cismaan Macallin Khalaafoow ayaa uga Mahad-celiyay dadkii isugu soo baxay munaasabada, isaga oo sheegay in ay tan muujineyso in wali ay jiraan dad Soomaaliyeed oo maskaxda ku haya qiimaha ay gobannimadu leedahay.

Ugu danbeyntii waxaa xafladda soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka ee dhinaca arrimaha bulshada Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo hambalyo u dirray dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya