4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
SAWIRRO: Shabaab oo soo Bandhigay Weerarkii Xerada AMISOM ee ku Taalla Deegaanka Leego


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay muuqaalka Weerarkii Toddobaadkii hore ay ku qaadday xero ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi oo ku yaalla Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay askar badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana horay ay Al-shabaab u sheegtay inay gacanta ku hayso maydadka in ka badan 60-askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa xeradaas iyo kuwo nool.

Sawirrada lasoo bandhigtay ayaa waxaa ku jira maydadka Askartii ay ku dishay weerarka, saanad kala duwan oo hub ah iyo gaadiid, iyadoo sawirradu ay muujinayaan khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Weerarkaas ay fuliyeen Guuto loogu magac-daray Hoggaamiyahoodii hore oo lagu dilay weerar sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya