4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
MINNEAPOLIS: Abaalmarin Heer Sare ah oo la Guddoonsiiyay Sh. C/raxmaan Shariif (DAAWO)


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Kuliyadda Humphery ee Amuuraha Dadweynaha (Humphrey School of Public Affairs) ee Jaamacadda Gobolka Minnesota ayaa wuxuu qabtay Abaal-marintii Hoggaamiyayaasha dadweynaha ee 13-aad (13th Annual Hebert H. Humphrey Public Leadership Awards).

Aqoonsigan ayay Kuliyaddu qabataa sanadkiiba hal mar, iyadoo sannadkan hal ku dhagu ahaa (Hoogaaminta iyo khidmada dadweynaha). Madaxdada lagu sharfay abaal marintay ayaa lagu amaanay inay qayb wayn ka qaateen cadaalada, sinaanaanta, wada-noolaanashaaha, xaquuqda aadanaha iyo waliba isu soo dhaewynta ummadaha kala gedisan.

Madax kala duwan oo isugu jira kuwo gobal, dowlada dhexe, hogaamiyayaasha bulshada, hay’ado kala duwan iyo arday iyo dadweyna kale ayaa soo buux dhaafiyay goobta xafladda

Abaal-marintan ayaa ah mid heerkeedu sareeyo. Dadkii hada kahor la siiyayna waxaa ka mid ahaa Madaxwaynihii 42-aad ee Maraykanka Bill Clinton. Sanadkan, ayaa waxaa lagu maamuusay madaxweyane ku xigeenkii hore ee maraykanka, Walter Mondale 1977 ilaa 1981 iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Andrew Luger

Waxaa kaloo ka mid ahaa Sh. C/raxmaan Shariif oo ah Imaamka Masjid-kii ugu horreeyay  ee Jaaliyada Soomaalidu ka furtaan Gobalka Minnesota, Daar Al-Hijrah.

DAAWO: Xafladdii Abaal-marinta lgau guddoonsiiyay Sheekh C/raxmaan Shariif;

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif ayaa ah qofkii Somali aha ama Imam ah ee ugu horeeyay ee Kuliyadda Humphrey ee Arimaha Dadweynaha ee Jaamacada Minnesota ay siiyo abaalmarintan. Waxyaabaha Sheekh Cabdiraxmaan abaal marinta lagu sii yay ayaa waxaa ka mid ahaa in ka mid yahay dadkii furay Masjidkii ugu horayay ee Soomaalidu ka furtaan gobalka Minnesota, in uu ka mid ayahay dadkii aas aasay hay’ada badan sida Open Path Resources, hay’dahan oo ka sheqeeya Danta guud ee bulshada MN, isku xirka jaaliyada, horumarinta akhlaaqda wanaagsan iyo waliba isu soo dhaweeynta bulshooyinka kale duwan, is fahamka iyo dhiiri galinta wada noolaanshaha. Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxay hay’du ku maantay in uu yahay Shiikh aad uga shaqeeya horumarinta bulshada iyo kobcinta iyo dhisida dhalinyarada.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isagu ka qalin jabiyay barnaaijka Kuliyadda Humphrey ee loo yaqaano Humphrey Policy Fellows program. Si doo kale, Sheekh Cabdiraxmaan waa imaamkii ugu horayay ee gobalka Minnesota noqoda wadaad ka duceeya cisbitaalad(Chaplain,  isagoo had aka shaqeeya cisbitaalka jaamacada ee Fairview. Chapalin-ku waa qof dadka bukaanka aha iyo qoysaskooda ka caawiya arimaha diinta.

Sheekh C/raxmaan oo la hadlayay HOL ayuu waxuu yiri aad baan ugu faraxanahay abaal-marintan waana mid waji qurux badan u yeelaysa Jaaliyadeena Soomaaliyeed dadwaynahii goobta ka soo qaybgalay ayaa iyaguna hanbalyo u jeediyay Sh.Cabdiraxmaan Shariif

Siyad Said Salah, Hiiraa Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota