4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Madaxweyne Xasan oo Xuska 01-da Luuliyo Awgeed Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa maanta xuska Sannad-guurada 55-aad ee Xornimada iyo midnimada Somalia awgeed ubax dhigay taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ay Wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Somalia ay ku socoto Waddadii horumarka iyo nabadda, ruux walba oo Soomaali ahna looga fadhiyo inuu kaalin ka qaato.

“Waxaan mar kale u dirayaa Hambalyo ku aaddan munaasabadda 01-da Luulyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Farxad ayay inoo tahay inaan si nabad ah u qabano munaasabadan quruxda badan. Si aan horey ugu dhaqaaqno waxaa la doonayaa inaan gacmaha is qabsano, inaan qabano shaqo adag iyo nabad dhisid, hawlhaasi oo horseedi doona inaan caalamka maqaam sare ku yeelanno,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa fariin u direy Warbaahinta, isagoo ugu baaqay inay si xil-kasnimo leh uga hadlaan dhacdooyinka waddanka, qaybna ay ka qaataan isku keenidda iyo mideynta shacabka.

“Warbaahinta waxaa ka saaran mas’uuliyad inay dalka wax ka dhisaan, nabaddana ka shaqeeyaan. Yaan la isku khaldin xoriyadda saxaafadda iyo warxuma tashiilka. Saxaafadda waa inay noqotaa mid wax dhista, oo ka dhowrsanaata inay tabiso warar ku-tiri-kuteen ah. Dowladda way taageereysaa shaqada Saxaafadda xorta ah, balse waa in xornimadaasi ay mas’uuliyad la socotaa oo wararka la tebinayaa ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah, dadkana nabadda u horseeda’’.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Sooomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga Ramadaanka uu Alle ka Dul-qaado Culeysyada jira, Sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya