4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Puntland oo laga Xusay 1-da Luulyo oo ku Beegan Xoriyadda iyo Midowgii Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu Xusayay Maalmaha xoriyadda iyo midwogii labada gobol ee Koonfurta & Waqooyiga Somaliya ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Camey,inta badan golaha wasiirada dowladda ,taliyayaasha ciidamada Puntland iyo dadwayne aad fara badan ayaa ka so qayb-galay xuska munaasbaddan.

''Konton iyo 5-sano kaddib waxaa inoo soo baxday, runtii in xornimadeeni gaasir noqotay, in gobanimadeeni ay kala dhan-taalantahay , konton iyo shansano kabacdi soomaaliya ay day-dayayso inay dib isugu soo laabato'' ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo xafladda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

C/wali Gaas oo ka hadlayay maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland ay ka xuntahay in xuduudkeeda la sheegto ,isla markaana aysan aqbali doonin arintan ,isaga oo eedda dusha uga tuuray xubno uu ku sheegay in ay Muqdisho joogaan.

Waxaa kaloo madaxweynaha Puntland uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqayso sidii umadda la isugu soo dhaweyn lahaa, waxaana uu xusay in gobolka Nugaal oo la sheegto ay horseedi karto bur-bur iyo kala tag hor leh.

Dhinaca kale munaasbado kale oo iyagana lagu xusayay 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo, waxaana dhamaan mas’uuliyiintii ka qayb-galay ay siyaabo kala duwan uga hadleen xaaladda uu dalku marayo.

Ugu danbayn,madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu xooga saarayo ka hortagga kooxo u ku sheegay in amniga gobolka ay khal-khal galinayaan,waxaana munaasabdda 1-da Luuliyo ay ku soo aadday xilli xiriirka Puntland iyo dowladda Soomaliya laga dayrinayo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]