4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2015
Xukuumadda Somailland oo sheegtay inaysan ka bixin heshiiskii ay la gashay Xisbiyada Mucaaradka

Arbaco, Luuliyo 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeedda KULMIYE ayaa sheegay in aanay jirin meel ay heshiishkii ay la galleen xisbiyadda mucaaradka kaga baxeen, iyagoo xisbiyadda mucaaradka ugu baaqay inay ka qaybqaataan sidii golaha Guurtidda ugu qancin lahaayeen heshiishka ay asxaabta iyo xukuumaddu wada gaadheen.

Madaxweyne ku xigeenka iyo hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aanay heshiishkaasi ka baxin, balse ay raadinayaan xal siyaasi ah oo ay ku qancin lahaayeen golaha Guurtidda maadama go’aanka golaha Guurtiddu yahay mid sharci ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxman C/laahi Ismaaciil oo sharaxaya qodobo ay isku difaacayaan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “

1. Mawqifka xukuumadda iyo xisbiga kulmiye wuxuu taageersan yahay heshiiskii Xisbiyada iyo xukumaddu isla gaadheen, meel xukumaddu heshiiskaas kaga baxdayna ma jirto;

2. Sidii aanu ku caddaynay heshiiska aanu wada saxeexnay ee asxaabta iyo xukumaddu go’aankii guurtiduna waa mid sharci ah;

3. Xukumadda iyo xisbiga Kulmiye waxay ku jiraan sidii golaha guurtida oo ah hay’addii sharciga u lahayd muddo kordhinta aanu isula waafaqi lahayn heshiiska siyaasiga ah ee aanu danta qaranka moodnay;”.

“Sidaas darteed walaalahayaga Mucaaradka ah waxaanu leenahay meesha kuma jirto in dadka la jaahwareeriyo oo la yidhaa Xukumadda ayaa ka baxday heshiiskii oo umadda waxaan jirin loo sheego”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Waxaanu intaas ku daray “Waxa weeye sharci baa halkan yaala, waxaynu qaadanayna waa xal siyaasi ah oo aynu ku raadinayno danta qaranka oo aynu ku raaligalinaynay beesha caalamka ee inala shaqaysa oo u aragtay inaynu ka dhago adaygnay hawshii dimuqraadiyadda ee ay inala waydeen oo aanu taas darteed u qaadanay. Waxaanu ku jiraa sidii go’aanka dastuuriga ah ee odayaasha guurtidu qaateen loo waafajin lahaa heshiiska aynu isla garanay ee ah xalka siyaasiga, wax heshiis ah oo laga baxayna meesha ma yaalaan”

Madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaaa isagu xukuumadda uga masuulka ahaa heshiishkaasi isla markaana saxeexay, haseyeeshee xisbiyadda mucaaradka ayaa dhawr jeer ku celiyey inay xukuumaddu heshiishkii ka baxday ka dib markii ay fulin waayeen wixii lagu heshiiyey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi ayaa mucaaradka ugu baaqay inay dhankoodda isku dayaan sidii ay golaha Guurtidda u qancin lahaayeen, isla markaana si wada jir ah loogu ololayn lahaa fulinta heshiishkaasi.

Hase yeeshee, guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in heshiishkaasi xukuumaddu ka baxday maadaama oo ay ilaa hadda oo wakhti badan ka soo wareegtay fulin, isagoo xusay in ay haboonayd inuu madaxweynuhu ka soo saaro Degreeto burinaysa go’aanka Guurtidda maadaama oo uu awood u leeyahay.

“Arrintaas waxaanu u aragnaa in xukuumaddu heshiiskii ka baxday, sababtoo ah gogol bay xukumaddu dhigtay, maalintay gogosha dhigeen bay yidhaahdeen gogolna waanu dhignay Go’aanka guurtiduna waa sharci, iyagoo taa og waanu aqbalay gogoshii, waxaa ka soo baxay heshiis ahaa in doorashada la qabto December 2016, in doorashada la cayimo oo madaxweynuhu digreeto ku soo saaro laakiin, bil iyo badh ka dib in xukumaddu ku soo celiso heshiiskiina kamaanu bixin, go’aankii guurtiduna waa sharci, waxay ila tahay wax dadka u cuntamayana maaha, wax dunida u cuntamayana maaha, labada mid uun bay ku fiicnayd inay xukumaddu tidhaahdo,” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabaya hadalka xukuumadda.

Guddomiye Cirro oo ka jawaabaya codsigii xukuumadda ee ahaa inay ka qaybgalaan sidii golaha Guurtidda loogu qancin lahaa heshiishka ayaa yidhi“Arrintaasi mid anaga noo taala maaha, xukumadda waxaa laga rabaa inay heshiiska fuliso. Xukumadda boqol wado ayaa u furan oo waxaa u furan inay guurtida qanciso, waxaa la leeyahay madaxweynaha way is arkeen Saleebaan (guddoomiyaha guurtida) maalintii dhawayd ee uu tagayay  laakiin, mawduucaas kamay wada hadalba,”.

“Xalka arrintani wuu fudud yahay,waana heshiiskaas oo la fuliyo ee bari madaxweynuhu digreeto ha soo saaro..Anagu guurtida baryi mayno, go’aankoodii way gaadheen ka noqon mayno bay yidhaahdeen oo 20 jeer ku celiyeen, arrintaas fulinteedu madaxweynahay u taalaa” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, heshiishkii xisbiyadda iyo xukuumaddu ku gaadheen muddo kordhinta aan weli madxweynuhu fulin ka dib markii golaha Guurtiddu ku gacan saydhay heshiishkaasi, isla markaana iyadoo wali xaaladdaas is mari waa taagan yahay ayuu gudoomiyihii golaha GUurtiddu dibada iskaga dhoofay, isla markaana golihii fasax gallay taas oo mucaaradkuna si weyn uga biyo diideen talaabadaasi uu Guurtiddu qaadeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland