4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
MADAXWEYNAHA: Shacabka Soomaaliyeed ha u Dul-qaataan Culeysyada Jira


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay sheegay in Sabtida berri ah uu ka furmi doono Muqdisho shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka IGAD, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay dulqaad muujiyaan.

Hadal uu Xasan Sheekh ugu talo-galay dadka Soomaaliyeed oo idaacadda iyo telefishinka dowladda laga sii daayay ayuu ku sheegay in kulankaas uu sumcad weyn u yahay Somalia, isla markaana uu socon doono hal maalin oo keliya.

“Waxaa rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego in munaasabad weyn oo qiimo leh ay Muqdisho ka dhaceyso, taasoo ah shirka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in haddii meelaha qaarkood isku socodka uu dhib ku noqdo inay u dulqaataan, ayna ogaadaan in howshaas ay tahay mid amniga lagu xoojinayo, laakiinse aysan ahayn in dadka Soomaaliyeed la dhibo oo culeys la saaro,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan khudbadda uu u jeedinayay shacabka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku sheegay in wasiirada arrimaha dibadda IGAD ay caawa si nabad ah ay caawa Muqdisho ugu hoyan doonaan, isagoo shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan sharafta Soomaaliya.

“Xubnaha IGAD waxay marti u yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankiisa; cid gaar ah oo ay marti u yihiinna ma jirto, haddaba waxaa nalaga doonayaa inaan dulqaad muujinno kalana shaqeyo dowladda howlaha ammaanka lagu adkeynayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku celiyay inay dadka dulqaataan muddada 24-ka saac ah ee uu shirka socdo, isagoo intaas ku daray in bishan Jannaayo ay mar kale Muqdisho imaan doonaan wafuud caalami ah, shirar kale oo kan ka weynna lagu qaban doono.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo ammaanka guud ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay dhowrkii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo la xiray waddooyinka ugu muhiimsan caasimadda Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin; tan Maka Al-Mukarama, tan tagta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo kuwa kale ee ku dhow hoteelka uu shirku ka dhacayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya