4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Sidee looga arkaa Beledweyne Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub ee Somalia

Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Kulammo iyo wada-tashi waqti dheer qaatay kaddib uu ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ku dhawaaqay xubnaha cusub ee gollaha wasiirrada oo tiro ahaan gaaraya 60 xubnood oo isugu jiray wasiirro, wasiiro-ku-xigeenno iyo wasiirru-dowlayaal.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan marka laga soo tago tirada xubnaha gollaha wasiirrada lagu dhawaaqay in tayo ahaan wax badan ka duwaneyn xukuumaddii hore, madaama xilalka muhiimka ah ee xukuumada cusub wali baaqi ku sii yihiin wasiirradii horeyba u sii hayay, inkastoo meelaha qaar uu isbadal ka muuqdo.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaannada Soomaalida ee sidda weyn looga hadal hayo xukuumada cusub ee uu soo dhisay ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana dooda arrintan ku saabsan si weyn falan-qeeynteedu uga soctaan meelaha bulshadu ku kulanto ee loo yaqaan ''Fadhi ku dirirka'' oo dadka inta ay koox koox u fariistaan kaddibna is weydaarsadaan aragtiyo intooda badan iska soo horjeeda.

Qaar ka mid ah aqooyahannadai iyo waxgaradka sidda weyn ugu dhuun-daloola siyaasada dalka ee ku dhaqan magaalada Beledweyne oo HOL ay wax ka weydiisay aragtidooda ku aadan xukuumada cusub, ayaa siyaabo kala duwan uga hadllay.

Cismaan Xassan Cabdi oo ka mid ah bahda waxbarashada gobolka dhinaca kalana si weyn ula socda arrimaha siyaasada dalka ayaa HOL u sheegay in shaqsi ahaan uusan waxba ka qabin habka loo soo dhisay xukuumada cusub, islamarkaana uu aaminsan yahay in ay jiraan wasirro shaqo wanaagsan qabtay oo mudnaa in loo sii daayo wasaaradihii ay maamulayeen si howshu hora ugu sii socoto.

“Waa laga yabaa inay jiraan dad dhinacyo kale wax ka eegaya, laakiinse taas waxaa ka muhiimsan in la fiiriyo howlaha baaxada leh ee dowladda hor yaalla, maxaa yeellaya watiga dhiman aad ayuu u yar yahay shaqada loo baahan yahay in la qabto aad ayeey u badan tahay, siddaa daraadeed micno badan malaha in lagu mashquulo wasiirrada iyo habka loo soo magacaabay ayuu yiri'' Cismaan Xassan Cabdi.

Balse aragti taas ka duwan waxaa qaba Axmed Ducaale Abti-doon oo waxgaradka ku dhaqan magaalada ka mid ah oo HOL u sheegay in xubnaha golaha wasiirrada cusub laga dhax arki karo fara-galin siyaasadeed.

“Xilligii dheer ee la sugayay xukuumadda iyo liiska wasiirrada markii danbe lasoo saaray ee la yiri waa xubnihii gollaha wasiirrada aad ayeey u kala durugsan yihiin, annaga ra'iisal wasaaraha waxaan ka sugeynay xukuumad aan siyaasadeysneyn oo wax badan ka duwan tii ka horeysay ee lagu eedeeyay in ay howsheedii gudan weyday, hadda waxaa inoo muuqata in wasiirro u olaleynayay ridista xukuumadii ay ka tirsanaayeen mar kale la soo magacaabay.'' ayuu yiri Ducaalle,oo dhinaca kale is weydiiyay su'aal aheyd sababta ra'iisal wasaarihii hore Cabdiwali  meesha looga saaray mar haddii xubnihii ugu muhiimsanaa xukuumadiisa sii shaqeynayaan?

Mar dhinaca kale uu ka hadllay tirada xubnaha lagu dhawaaqay oo gaaraya 60 xubnood ayuu sheegay in taa ay sabab u tahay qancinta beelaha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin xildhibaanno uo badan oo horay ballamo loola gallay oo ay qasab aheyd in ay iska dhax arkaan xukuumada cusub.

“Ra'iisal wasaaraha waan u garabayaa waayo meesha culeys siyaasadeed ayaa ka jiray, culeyska siyaasadeed ee jirayna waa mid aad markiiba ka garan karto liiska xubnaha gollaha wasiirrada iyo habka ay u magacaaban yihiin, laakiin haddii loo baahdo dhinac kale waa looga wareegi karay ayuu yiri mar kale Axmed Ducalle Abti-doon.

Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'are ayaa noqonaya ra'iisal wasaarihii saddexaad dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh kaddib markii ay horay meesha uga baxeen labo ra'iisal wasaare oo ka horeeyay oo kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdiwali Sheekh Axmed Max'ed oo khilaaf siyaasadeed meel sare gaaray uu soo kala dhax-gallay madaxweynaha.

Ugu dmbeyn, arrinta sida weyn isha looga hayo ayaa ah go'aanka golaha baarlamaanka marka la horgeeyo xubnaha gollaha wasiirrada cusub si ay codka kalsoonida u siiyaan..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya