4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Shirka Qurba-joogta oo Maalintii labaad ka Socda Kigali, Rwanda (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) - Waxaa maalintii labaad magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka socda shir ay isugu yimaadeen qurba-joogta Soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala tagay wadamo badan oo adduunka ah, waxaana looga hadlayaa kaalinta ay ka qaadan dib u heshiisiinta iyo horumarka Soomaaliya.

Maanta waxaa warbixin dib ugu soo celinayay madasha shirweynaha kooxo dhawr ah oo shalay shirka laga dhex xuley , kuwaasi oo moowduucyo kala duwan soo falanqeynayay, waxayna soo bandhigeen afkaarihii ay isla soo garteen.

Mid ka mid ah waxay ahayd koox soo falanqeysey sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo xafiiska qurba-joogta wasaaradda arrimaha dibada, waxayna kooxdani soo jeedisey in xafiiskani uu wakiilo ku yeesho dalacada adduunka si ay uga shaaqeeyaan arrimaha jaaliyadaha.

"xafiiskani waxa ka dhiman waa kaalintiinii, xafiiskani idinka ayuu idiin furanyahay, shirkani ayaana laga rabaa in ay kazoo baxaan waxyaabihii horey loogu socon lahaa" ayuu yiri Cabdiqaadir Kamatiireey oo ah agaasimaha xafiiska qurba-joogta ee wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasoo jeediyey in xafiiskani la balaariyo, la kordhiyo awoodihiisa iyo sharciyaddiisa, si markaasi uu u qaban karo hawlo badan iyada oo aanan ansixin looga baahneyn xafiis kale. Waxaa la isla waafaqay in xafiiskani uusan ku koobnaanin Muqdisho oo kaliyaa, balse u talaabo meelaha ay joogaa

Kooxo kale ayaa ka dooday arrimaha caafimaadka, deegaanka, waxbarashada, fursadaha ganacsiga iyo xirfadaha ay qurba-joogto ku biirin karaan Soomaaliya, waxayna dhamaan kooxaha isku raaceen in ay jirto baahi weyn, taasi oo qurba-joogta ay waxbadan ka qaban karaan, balse loo baahanyahay siyaasad iyo dariiq cad oo lagu maamulo waxtarkaasi.

Shirka waa uu sii socon doonaa, iyada oo ka qeybgalayaasha ay kormeeri doonaan meelo taariikhi ah oo la dhigey xusuustii xasuuqii Rwanda 1994 si ay indhaheeda ugu soo arkaan dhibaatada Rwanda ka dhacday iyo sida hadda looga gudbey, iyada laga qaadanayo casharo laga yaabo in xal loogu heli karo arrimaha Soomaaliya ka taagan oo siyaaabo badan ula mid ah wixii ka dhacay Rwanda

Abdinasir Bashir Ahmed (Saxansaxo)
Kigale, Rwanda
[email protected]