4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Cristiano Ronaldo oo Mar kale ku Guuleystay Laacibka Kubadda Cagta Dunida


Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka dalka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa ku guulaystay ciyaaryahanka ugu laacibsan kubadda cagta adduunka, iyadoo markii labaad ee isku xigta la gudoonsiiyay billada Ballon d'Or-ka.

Kabtanka xulka dalka Portugal ayaa waxa uu ka guulaystay weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi iyo goolhayaha kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka, Manuel Neuer.

Cristiano Ronaldo ayaa difaacday billadiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida kaddib markii uu ka helay boqolkiiba 37.66% dhammaan codadkii la dhiibtay, sidaasina uu markii saddexaad billaddaasi ku hantiyay.

Ciyaaryahanka xulka dalka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi – ee horay ugu guulaystay 4 jeer oo isku xigta billadan – ayaa galay kaalinta labaad kaddib markii uu aruursaday boqokiiba 15.76%.

Wuxuu wax yar uun ka horreeyay goolhayaha xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich, Manuel Neuer oo helay boqolkiiba 15.72%.

Ronaldo ayaa 43 kulan oo uu dheelay sannadkii hore ee 2014-kii dhaliyay 52 gool , ayaa u muuqday mid xamaasadaysan markii uu billada ka gudoomayay ciyaaryahankii hore ee Faransiiska, Barcelona iyo Arsenal, Thierry Henry.

Ronaldo ayaa yiri: “Waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhammaan dadka ii codeeyay, madaxweynaha kooxdayda, tababarahayga iyo Real Madrid. Waxa ay aheyd sanad aanan hilmaami karin. Inaan ku guulaysto billadan waa wax aad gaar u ah.”

Haweenayda khadka dhexe kaga dheesha kooxda Wolfsburg iyo xulka Jarmalka ayaa ku guulaysatay laacib kubadda cagta ee haweenka dunida, halka ciyaaryahan James Rodriguez uu ku guulaystay billada goolkii ugu qurux badnaa sanadkii la soo dhaafay.

Tababaraha xulka Jarmal Joachim Low ee ku guulaystay koobka adduunka ee sannadkii 2014-kii ayaa noqday tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2014-ka.

Dhammaan ciyaaryahanada u tartamay billadda Ballon d'Or-ka ayaa waxa ay soo galeen kooxdii ugu wanaagsaneyd sanadka, iyagoo liiskana ay ku weylinayeen ciyaaryahanada difaaca ka dheela ee Philipp Lahm, David Luiz, Thiago Silva iyo Sergio Ramos, khadka dhexana waxaa la soo xushay Andres Iniesta, Toni Kroos iyo Angel Di Maria iyo weeraryahan Arjen Robben.

Xigasho: BBC Somali