4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Dad loosoo qabqatay Qaraxyadii lagu Weeraray Saldhigga Booliiska Boosaaso
Image
Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Booliska gobolka Bari ayaa dhowr qof usoo qabtay qarax habeenimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay ka dhacay saldhigga dhexe (Bartamaha) ee magaalada Boosaaso.

Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xassan oo ah taliyaha booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamadu holwgal  ka sameeyeen xaafadaha magaalada gacantana kusoo dhigeen dhowr qof oo laga shekiyey.

Taliyaha mar la weydiiyey tirada dadka la qabtay wuu ka gaabsaday inuu sheego, haseyeeshee wuxuu ballan qaaday marka baaritaanku dhamaado in warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliaydda labo bam oo kuwa gacanta ah oo habeenimadii Jimacaha lagu tuuray saldhiga dhexe ee booliska degmada Boosaaso. Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay labo askari iyo qof rayid ah.

Todobaadyadii u dambeeyey dagaallo xooggan ayaa ku dhex maray deegaano ka tirsan buuraleyga Galgala ciidamada Puntland iyo Al-shabaab. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo asbuucii hore shir-jaraa'id qabtey wuxuu sheegay in ciidamadu la wareegeen deegaano hor leh khasaare ba'anna gaarsiiyeen Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab af-hayeen u hadlay wuxuu sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka, isagoo xusay inay tiro gaadiid ah gubeen askar badanna laayeen.

Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Bosaso oo iyadu ah tan ugu weyn Puntland halbowlena u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa aad u wanaagsan marka loo barbar dhigo sidii uu ahaan jirey intii u dhexeysey sanadihii 2009-2012 markaasoo dilalka qorsheysan iyo qaraxyadu si joogto ah bil kasta magaalada uga dhici jireen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya