4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Puntland oo xabsi daa'im ku xukuntey odayaal shirkii Cadaado ka qayb galay
ImageTalaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun adag ku ridey afar iyo toban qof oo lagu soo eedeeyey khiyaamo qaran iyo qaran dumis kadib markii ay ka qayb galeen shir dhowaan ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal Axmed Salaad Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu ridey eedaysaneyaasha oo dhammaantood maqaneyaal ahaa, waxaana loo kala xukumay sidan:

Saddex eedaysane waxaa lagu xukumay xabsi daa'im waxayna kala yihiin:
  1. Cabdiweli Muuse Shire.
  2. Cabdirisaaq ismaaciil Xasan Darwiish.
  3. Cabdisalaam Cabdiqaadir Sheekh Doon.
Eedaysaneyaasha kale ee 11ka ah waxaa midkiiba lagu ridey xarig mudadiisu tahay toban sano:
  1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.
  2. Cali Cigaal Af-gaab.
  3. Warsame Qolofeey Shiddo.
  4. Xasan Garabeey.
  5. Deeq Maxamuud Qaanso.
  6. Maxamed Barre Nuunuule.
  7. Cadooye Aadan Xasan.
  8. Xuseen Kuluc Maxamuud.
  9. Jaamac Maxamed Axmed.
  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
  11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.
Puntland ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin dhismaha maamulka gobollada dhexe, maadaama sida ay ku doodey maamulkaasi halis gelinayo jiritaanka Puntland iyo midnimada bulshada reer Puntland.

Heshiiskii ugu dambeeyey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen ayaa dhigayey in maamulka gobollada dhexe ka koobnaan doono gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya