4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya oo Booqatay Ciidamada Kenya ee Somalia


Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed Jabriil oo ka mid ahayd wasiirradii IGAD ee shirka kaga qaybgalay Muqdisho ayaa booqasho ugu tagtay ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Aamina ayaa warbixinno kooban ka dhageysatay saraakiishii iyo ciidankii ay ku booqatay Muqdisho Sabtidii lasoo dhaafay, iyadoo xustay in booqashada ay ciidamada ugu tagtay ku sheegtay mid ay niyadda ugu dhisaysay.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii ku sugnaa Somalia, iyagoo dagaallo culus la galay xoogagga Al-shabaab, waxaana ciidamada Kenya ay la howlgalaan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirradda ayaa ahayd mas’uulki ugu sarreeya oo taga Soomaaliya tan iyo sannadkii 2012-kii, markaasoo uu Muqdisho safar gaaban ku tagay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya, Sam Ongeri.

Ongeri ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday hoteel uu ku sugnaa halkaa oo uu kula shirayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud oo xilka loo doortay isla sannadkaas.

Shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ku yeesheen Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya ku yeeshaan wixii ka dambeeyay sannadkii 1985-kii.

Isku-dayo hore oo lagu doonayay in shirka IGAD lagu qabto Muqdisho ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo, kaddib markii ay Al-shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirradii arrimaha dibadda ee IGAD oo shirka ku yeeshay Muqisho ayaa waxaa ka mid ahaa, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Kenya, Uganda, Koonfurta Suudaan, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya iyo Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya