4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Madaxweyne Xasan Shiikh oo soo dhaweeyay Magacaabista Golaha Wasiirada


Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si buuxda u taageeray golaha cusub ee wasiirrada cusub ee uu soo dhisay habeen hore ra'iisul wasaare, Cumar C/rashiid.

“Waxan si buuxda u soo dhaweynayaa magacaabista xukuumadda cusub ee Soomaaliya. Tallaabadan tan xigta waa go'aanka baarlamaanka Somalia sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee federaalka Somalia,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray. “Aad baan ugu faraxsanahay inaanusan inaga lumin xowligii aan ku soconnay iyo waxqabadkeennii, iyadoo hawlihii dowladda Somalia ay si caadi ah u socdeen toddobaadyadii lasoo dhaafay. Muddadaasna waxaa wax laga qabtay dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha guddiga xudduudaha iyo arrimaha federaalka dalka, magacaabista xubnaha guddiga fulinta ee guddiga dastuurka. Toddobaadkii hore, waxaan si miro-dhal ah u marti-gelinnay shirkii ugu horeeyey ee IGAD ku yeeshaan Muqdisho 24-sanno kaddib. Horumarka dhanka ciidanka, fidinta adeegyada gargaarka iyo hawlagalada xasilinta iyaguna halkoodii ayay kasii socdeen''.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa raaciyay. “Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa socotay shaqooyin badan oo –daahsoon- oo la doonayy in lagu soo dhiso dowlad shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed, sida horumarinta iyo fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha. Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsan-nahay in horumarkaas uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana dalka ka dhigay Qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeynaysa, halkii horay na-loogu tirin jiray inaan nahay qaran dhicisoobay.”

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay habka loo wajahayo in deg-deg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee Qaranka horyaalla, isagoo yiri. “Waa inaanu si deg-deg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qayb-geliyo, kaasoo horseedi doona gaarista saddex arrimood oo sal u ah Higsiga 2016; sida dib u eegista dastuurka KMG ah, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin Qaran oo waddanka ka dhaca.”

“Waa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol-leeyahay inay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Somalia. Waxaana taas ula jeedaa in na-looga fadhiyo inaan qaadno tallaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah; kuwaasoo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al-shabaab, la-dagaalanka musuq-maasuqa, sameynta hannaan dowladdu ay ku hesho dhaqaale loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, sidoo kalena loo sameeyo dhallinyarada shaqo-abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysas-keena ay wada-helaan. Waxaa kaloo waajib inaga saaran yahay inaan lasoo baxno kheyraadka dalkeenna ku jira si aan uga wada faaideysanno, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay; “Dowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku tixan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaasoo u baahan go'aan qaadasho adag iyo is xil-qaan si wax waliba sidii loogu talo-galay ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu deg-deg u ansixiyo xubnahan cusub ee golaha wasiirrada, isla markaan ay xubnahan cusub deg-deg ugu guda galaan howsha hor-taalla.”

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Sharma’arke oo ka kooban 60-xubnood ayaa waxaa dhaliilo kala duwan u soo jeediyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay soo dhaweeyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya