4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Puntland iyo Ismaamulka Somalida Itoobiya oo dhagax-dhigay Kastam Cusub
Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Bar-kantarool oo loogu talo galay in ganacsatada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Puntland badeecooyinka isku dhaafsadaan ayaa shalay laga hirgeliyey deegaanka Tuurdibi oo hoos taga degamada Galdobob ee gobolka Mudug una dhow xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan.

Kastamkan oo qorshihiisa la bilaabay xilligii Cabdiraxmaan Faroole Puntland madaxweynaha ka ahaa waxaa munaasabadii lagu furayey kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka socdey labada dowladood ee Puntland iyo DDSI.

Waxaa sidoo kale xafladda furitaanka kasoo qayb galay in ka badan 150 kamid ah ganacsatada waaweyn ee Puntland, maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha, culimaa'uddiin iyo waxgarad.

Inkastoo xafladda dhagax dhigga kastamku si wanaagsan kusoo dhamaatay, waxay hadana ganacsatada Puntland ka xumaadeen wafdiga ka yimid dhanka Dowlad Deegaanka oo ahaa mid aan miisaan weyn lahayn.

Xubnaha ka yimid dhanka Itoobiya ayaa kala ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka Wardheer, duqa degmada Gallaadi iyo dhowr sarkaal oo ka tirsan militeriga Itoobiya.

Kastamkan oo muddo saddex sano ka badan qorshihiisu soo socdey waxaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya