4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
PROF. SAMATAR: Xaq baan u leeyahay inaan Somaliland Hogaamiye ka noqdo

HIIL2.jpg
Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isku soo taagay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya sannadkii 2012-kii ayaa shaaca ka qaaday inuu xaq u leeyahay inuu hoggaan u noqdo Somaliland, isagoo guushiisa saldhig uga dhigay hadba sida ay xisbiyada ka jira maamulkaas u ogolaadaan inuu hoggaanka qabto.

Samatar ayaa sheegay inuusn xilliga xisbi sameysan karin, balse madaxda xisbiyada iyo shacabka Somalialnd ay u taallo sida uu xaalku noqonayo. Wuxuuna ka digay in qabiilka iyo qarannimada la isku dheeho.

“Qof walba oo reer Somaliland ah xaq ayuu u leeyahay inuu madax noqdo, aniguna sidaas oo kale ayaan xaq ugu leeyahay inaan hoggaan noqdo, balse taasi waa mid taalla saddexda xisbi ee Somaliland ka jira, odayada dhaqanka iyo ragga hoggaanka haya,” ayuu yiri Prof. Samatar oo intaa ku daray in shacabka ka go’do inay soo jeediyaan cidda hoggaamin karta kuna hagi karta Somaliland waddada hormarka.

Aqoonyahankan oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ka digay in qabiilka iyo qarannimada la isku, wuxuuna xusay in qabiileysiga uu dhibaato weyn ku yahay Somaliland iyo dunida oo dhan meel qabiileysigu uu ku wanaagsan yahayna aysan jirin.

“Somaliland maanta waxaa yaalla loolan u dhexeeya qabiilka iyo qaranimada iyo weliba is-xukunka xun iyo kan wanaagsan sida lagu kala garan karo. Tan kale anigu muddo fog ayaan ka fikirayay in la kala saaro qaranimada iyo qabiilka. Waayo qof walba qabiil ayuu kasoo jeeda, balse waa in kala saaro qabiilka iyo Qarannimada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Prof. Samatar oo arrintan kasii hadlayay ayaa sheegay in qabiileysiga dadka ku dhaqmaya ay yihiin kuwo dan yar oo shaqsi ah ku raadsanayaan, laakiin loo baahan yahay in dadka loo baro qabiilka inuu yahay mid la isku garto oo keliya.

“Odayaasha dhaqanka haya waa inay iyagu marka hore kala gartaan sida ay u kala duwan yihiin qabiilka iyo qarana... waana in qof walba laga garto inuu yahay mid Qarannimo u ordaya. Madaxd sarena laftooda laga arko inay ku dhaqmayaan qarannimo oo aanay qabiil ahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, shacabka Somaliland ayuu kula taliyay inay Qarannimadooda ka ilaaliyaan qabiilka, qof walbana lagu xusho kartidiisa iyo waxqabadkiisa, balse aan la eegin qabiilka, si looga kaaftoomo qabiileysiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya