4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 13, 2015
Xildhibaanno Aragtiyo kala Duwan ka Bixiyeen Xukuumadda RW Sharma’arke

Talaado, Janaayo 13, 2015 (HOL) — Iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu habeen hore soo magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 60-xubnood ayaa waxaa aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xildhibaannada xukuumadda lasoo dhisay soo dhaweeyay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu soo dhisay xukuumad dheelli-tiran, kuna saleysan habka awood qaybsiga 4.5-ka ee ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in aragti ahaan ay xukuumaddaani ka heli doonto baarlamaanka codka kalsoonida, maadaama ay tahay mid habka sharciga ah ee dalka ka jira lagu saleeyay. Wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax caqabad ah oo hor-imaanaysa kalsooni siinteeda, inkastoo uu qiray inay xildhibaannada u dhexeyso kala aragti-duwanaan ku saleysan xubnaha ka dhex-muuqda xukuumadda.

Wasiirrad cusub ayaa waxaa ku jira in ka badan toban wasiir oo ka mid ahaa xukuumadihii dalka soo maray, taasoo xildhibaanada qaarkood ay u arkaan nay tahay mid dano-gaar ah ku saleysan.

Dhinca kale, xildhibaan Aadan Saadaq Maxamed ayaa dhaliilay habka uu u maray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dhismaha xukuumaddiisan cusub oo uu sheegay inay ka muuqato faragelin. Isagoo xusay in madaxweyne Xasan uu magacaabay inta badan golaha wasiirrada cusub.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray inaysn wax fiican hayn in lagu soo daro xukuumadda cusub wasiirro ka mid ahaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay oo lagu eedeeyey inay ku fashilantay howlihii loo ig-maday.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo sharraxayay sababta uu wasiirradii hore u soo celiyay ayaa sheegay inay tahay in howlaha dowladda la dardar-geliyo iyo in jawi siyaasadeed oo deggen ay abuurto, maadaama kala argti-duwani dhinaca siyaasadda ah ay jirtay.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda cusub ee lasoo dhisay ayaa waxaa ka qaba fikrado kuwaas la mid ah shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin inta badan u dhuun-daloola siyaasadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya