4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
SHARMA’ARKE: Wasiirradan Waxaan u soo Xulay in Howsha la Dar-dar-geliyo


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in sababaha uu wasiirradii hore ugu soo daray xukuumaddiisa ay tahay in howsha u hartay dowladda la dar-dar-geliyo.

Sharma’arke ayaa intaa raaciyay in waqtiga oo nagu yar awgiis uu wasiirradii ka tirsanaa xukuumaddii hore uu u soo celiyay, isagoo shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaaday inay xukuumadda cusub si adag loola xisaabtami doono.

“Dhismaha xukuumadda iyo soo celinta xubnihii jagooyinka muhiimka ah hayay qaarkood, waxaan u cuskaday laba arrimood oo kala ah; waqtiga oo aad u yar iyo in howlihii ay soo qabteen xukuumadihii hore aanu hakad u imaan. Midda kalena waa inay abuurto jawi-siyaasadeed oo deggen,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddan ay tahay mid ku timid wada-tashi uu la yeeshay madaxweynaha, xubnaha baarlamaanka, isagoo ka dalbaday wasiirrada cusub inay la yimaadaan waxqabad shacabka  Soomaaliyeed raalli-gelin kara.

“Waxaan kaloo wasiirrada kasoo xulay dad ku kala duwanaa siyaasadihii ugu dambeeyay ee lasoo maray, si ay u abuurto degenaasho siyaasadeed, dib u heshiisiin, isku soo noqosho iyo weliba ummadda loo wada adeego,” ayuu ku daray hadalkiisa ra’iisul wasaaraha Somalia.

Isagoo sii hadlaya ayuu ra’iisul waasare Sharma’arke ka dalbaday xubnaha baarlamaanka inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda uu soo dhisay, maadaama 2016-ka uusan xilli badan ka harsanayn.

“Golaha wasiirrada cusub waxaan kula dar-daarmayaa inay noqdaan kuwo si daacadnimo ay ku jiro ku shaqeeyaan, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha dowladda, maamullada dalka ka jira iyo beesha caalamka si dalka loo gaarsiiyo doorasho marka la gaaro 2016-ka,” ayuu Sharma’arke ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu rajo-weyn yahay in xilliga yar ee hartay ay gaarsiiyaan dalka doorasho si ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu helaan inay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Si kastaba ha ahaatee, golaha wasirrada ee xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku jira tiro wasiirro ah oo ka mid ahaa xukuumadihii labadii ra'iisul wasaare ee kalsoonida ay golaha baarlamaanku kala laabteen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Faarax Sh. C/qaadir iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo si aad ah guu dhow madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya