4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Beeraleyda Gobolka Bay oo la sii Tababar la Xiriira ka Faa'iideysiga Qudaarta


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Beeraleyda gobalka Bay ayaa waxaa lagu siiyay xarunta jaamacadda Upper Jubba ee Baydhabo tababarro ku saabsan habka loogu faa’iideysan karo geed-miroodyada.

Waxyaabihii kale ee beeraleyda la baray ayaa waxaa ka mid ah habka loo farsameeyo mal-malaadada, taasoo laga sameeyo babaayga, mooska, canabka, seytuunka iyo miraha kale.

Casharrada kale ee ay qaataan waxaa ka mid ah fitamiinada laga helo geed-miroodka iyo khudaarta. Taasoo ay barayaashu sheegeen inay yihiin kuwo faa’iido badan u leh bulshada caalamka ku nool oo dhan.

Mid ka mid ah beeraleydii ka faa’iideystay tababarka oo Cabdi Nuur Ibraahim Maxamed la yiraahdo ayaa sheegey inay wax badan oo aanay horay u aqoon ay ka barteen jaamacadda, ayna ka go’an tahay inay wixii hadda ka dambeeya soo saari doonaan malmalaatado ayna ka ganacsan doonaa.

“Barayaasha Jaamacadda Upper Jubba, waxay ina bareen qaababka kala duwan ee loo sameeyo malmalaadada, sidoo kale waxay na bareen habka warshadeynta, waxyaabaha khudaarta laga sameeyo ee faa’iidada inoo leh,” ayuu yiri Cali Nuur Ibraahim oo HOL la hadlay.

Sidoo kale, beeraleyda gobolka Bay ayaa waxaa la baray sidii ay u sameyn lahaayeen kushiimada lagu nafaqeeyo beeraha, si tan dibadda ka timaada looga maarmo. Waxaa kaloo la baray sidii kabarrada Shinnida loogu sameyn lahaa Saabuunta iyo Shumaca; iyagoo macallimiintu hortooda ku sameeyeen kabarro, si ay faham uga qaataan.

Ugu dambeyn, mamulka Jaamacadda Upper Jubba ayaa sheegay inay ugu talo-galeen beeralyda gobolka Bay tababarro intaan ka badan oo joogto ah, iyagoo xusay in 320 ruux oo beeraley ah ay tababarkan siiyeen, kuwaasoo ka kala yimid dhammaan gobollada Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

Hiiraan Oonline, Baydhabo