4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la filayo in caawa uu dhameystiro Wasiiradiisa


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda qaban-qaabada munaasabad uu ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ku shaacinayo xukuumaddiisa oo dhameystiran.

Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ku sugan wariyeyaasha si ay goobjoog uga noqdaan ku dhawaaqista golaha wasiirrada cusub, iyadoo sidoo kale ay ka socoto munaasabadda ku dhawaaqista golaha wasiirrada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xubnaha ka dhiman golihiisa wasiirrada, iyadoo wararku ay sheegayaan in wasiirradii hore aan wax isbedel lagu sameyn doonin.

Dhawaan ayuu baarlamaanka Somalia siiyay ra’iisul wasaaraha Somalia 10-maalmood oo dheeraad ah si uu u soo dhameystiro golihiisa wasiirrada oo markii hore ahaa 20-xubnood, waxaana la filayaa in wasiirrada lagu dhawaaqayo ay noqdaan 25-wasiir.

Magacaabista golaha wasiirrada kaddib ayaa lagu wadaa in baarlamaanka la hor-geeyo, iyadoo horay uu ra’iisul wasaaraha dhowr jeer uga baaqsaday in golihiisa wasiirrada uu hor-geeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba, HOL kala soco ku dhawaaqista golaha wasiirrada cusub ee la filayo inuu goor-dhow ku dhawaaqo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya