4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Hoggaamiye ka tirsanaa Ururka AQAP oo lagu Qaarijiyay duqeyn diyaaradeed


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Qaacida ay taageerto ee bariga dhexe ee loo yaqaan AQAP ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen Koonfurta dalka Yemen.

Harith Al-Nadhari oo horay ugu hanjabay inuu weerarayo Faransiiska, kaddib markii lagu qaaday weerar wargeyska Charlie Hebdo, iyadoo sarkaalkan lala dilay saddex ka mid ahaa xoogagga kooxdan ayaa duqeyntan lagu dilay, sida ay maanta shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan dowladaha Yemen iyo Mareykanka.

Nadhari iyo xoogagga kale ayaa la sheegay in lagu duqeeyay gobolka Shabwa oo ku yaalla Koonfurta Yemen, halkaasoo ay kooxdani ku xooggan tahay, iyadoo magacyada saddexda qof ee kale lagu sheegay; Said Bafaraj, Abdel-samie Al-Haddaa iyo Azzam al-Hadrami.

“Haddii aad diiddo inaad gardarrada aad ku hayso Muslimiinta joojiso, waxaad filan karto waa dagaal. Waxaana iga go’an inaan idinla dagaalammo oo aan ka farxiyo muslimiinta,” ayuu ku yiri Nadhari cajalad filim ah oo uu 10-kii bishii hore dubay.

Madxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 25-kii bishii aynu soo dhaafnay wacad ku maray in dalkiisu uu qaadayo olole ka dhan ah xoogagga Al-Qaacida ee ku sugan Yemen.

Ugu yaraan 11-qof oo ka tirsan dagaalyahan oo ka tirsan AQAP ayaa duqeyn ay saddex jeer diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku Koonfurta dalka ka geysteen lagu dilay tan iyo markii uu Obama jeediyay hadalkiisa.

Kooxda AQAP oo ay taageerto Al-Qaacida ayaa la sameeyay sannadkii 2009-kii; kaddib iskaashi dhexmaray xoogag ku sugnaa Yemen iyo kuwo saldhiggoodu yahay Saudi Arabia oo daris la ah Yemen.

Xukuumadda Washington ayaa la sheegay in tan sannadkii 2009 ay Yemen ku qaaday 110 weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaasoo intooda badan ay ka fuliyeen dalkaas diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka.

Ugu dambeyn, bishii September ee sannadkii 2011-kii ayaa duqeyn noocan oo kale lagu dilay Anwar al-Awlaqi oo ahaa hoggaamiyaha AQAP, isla markaana haystay dhalashada dalka Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya