4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
QAYBDIID: Shirka Muqdisho ka socda wuxuu ka hor-imaanaya sharciga dalka


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sharci-darro ku tilmaamay kulanka Muqdisho uga socda madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka.

Jen. Qeybdiid oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in shirkaan uu xad-gudub ku yahay dadka gobollada dhexe ku nool, isagoo intaa ku daray in shirkan uusan ahayn wax horay u qorsheysnaa, balse uu yahay shir deg-deg ah oo uu madaxweynaha Somalia ugu yeeray saddex hoggaamiyeyaasha maamullada dlka ka mid ah.

“Shirkan ma ahayn mid qorsheysanaa oo horay loo sii ogaa, balse waa shir deg-deg ah oo madaxweynaha DFS ugu yeeray ragga Muqdisho ku sugan. Kulankan anigu warbaahinta ayaa ka maqlay, nalagumana casuumin Muqdisho ayaana joogaa, waxaana u arkaa inuu meel ka dhac ku ah shuruucda dalka,” ayuu Cabdi Qeybdiid ku yiri wareysiga.

Mudane Qaybdiid ayaa xusay in Galmudug ay ka mid ahayd dhinacyadii wax ka saxiixay barnaamijkii Road Map-ka ay Somalia uga baxday KMG-nnimadii dowladd rasmi ahna loogu dhisay. Waxaana ka sameynay dastuurka dalka.

“Galmudug waxay ka mid aheyd dhinacyadii aas aasayaasha dowladda, ee saxiixay Road Map-kii KMG-nimada looga baxay, dastuurkana aan wax ka sameynay, waxaa u arkeynaa maanta waxa ka socda Xamar ee aayaha siyaasadeed ee dalka looga hadlayo arrin gef ah, mana aqoonsan doono wax alla wixii ka soo baxa, dadka halkaas fadhiyana ma wada matala gobolada oo dhan, wali gobolo ayaa ka maqan”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.

Sidoo kale, Cabdi Qeybdiid ayaa xusay in madaxweynaha Somalia aanu wax isaga u gaar ah uusan dalka ku hoggaamin karin, isagoo nasiib darro weyn ku tilmaamay in afartii maamul ee sameysnaa saddex ka mid ah loo yeero, isagana aan lagu wargelin.

Qaybdiid oo wax laga weydiiyay maamul u sameynta gobollada dhexe ayuu wuxuu yiri. “Arrinta maamul-sameynta gobollada dhexe diyaar ayay u yihiin dadka gobollada dhexe ku nool, halka lagu wadahadlayana waa diyaar, balse mushkiladda jirta illaa hada waa garwadeenkii shirka ee dhanka dowladda oo maqan. Hadde waxay ahayd in arrintaas iyada ka shaqeyso sidii dadka meel la isugu keeni lahaa, dowladda laftigeedana cabasha ayaa ka muujineynaa.”

Isagoo intaas ku daray siddeed bilood ayaa laga joogaa heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, illaa iyo hadda wax ka fulay heshiiskaasna ma jirto. AMISOM ayaa diidday buu yiri in ciidamo ay geyso deegaanka shirka lagu qabanayo, taasna ay ka mid tahay waxyaabaha hakadka gelinaya shirka.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh & madaxda maamullada Puntland, Jubba iyo Koonfur-galbeed Somalia ayaa maalintii labaad ku shirsan Muqdisho, shirkaasoo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha Hiigisga 2016-ka si dalka ay doorasho uga dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya