4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Muwaadin Soomaali ah oo Xaaskiisii ku dilay Norway iskuna dhiibay Booliiska


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dilay magaalo ku taalla dalka Norway ku dilay xaaskiisii, isagoo dilkeeda u adeegsaday billaawe; taasoo la yaab ku noqotay Soomaalida dalkaas ku nool, iyagoo arrintan si aad ah u hadal-haya.

Hooyada la dilay ayaa da’deedu ahayd 39-jir, waxayna ninkan u dhashay lix carruur ah oo ay da'doodu u dhexeyso 1-sano illaa 18-sano, kuwaasoo haatan ay gacanta ku hayso mid ka mid ah hay'adaha xannaaneeya carruurta ee dalka Norway.

Ninkan oo da'diisu tahay 41-jir ayaa dilka kaddib tagay saldhigga booliiska uuna u sheegay ciidamadii booliiska ee saldhiggaas ku sugnaa inuu dilay xaaskiisii, isla markaana in la xiro uu doonayo.

Booliiska magaalada dilkan uu ka dhacay ayaa markaas kaddib tagay gurigii ay mashaqadu ka dhacday, iyagoo xaqiijiyay in ninkan uu gacantiisa ku dilay xaaskiisii oo aan magaceeda weli la shaacin.

Ruuxan Soomaaliyeed oo aan magaciisa weli la sheegin ayaan illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay inuu dilo xaaskiisii u dhashay lixda carruurta ah, iyadoo ay booliiska dalka Norway haatan gacanta ku hayaan ninkaas Soomaaliga ah.

Arrintan ayaa waxay layaab iyo argagax ku noqotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo ka mid ah kuwa Qaaradda Yurub oo ay Somalia badan u barakaceen markii ay Soomaaliya ka billowdeen colaadaha sokeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya