4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Nin looga soo Tarxiilay USA Xaaskiisa oo uu dharbaaxay oo ku dhibban Kenya


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Nin u dhashay Dalka Kenya oo lagu magacaabo, Peter Ndirangu, isla markaasna ku noolaa Mareykanka muddo 11-sano ah ayaa dib loogu soo celiyay Kenya, kaddib markii uu dharbaaxay xaaskiisa.

Peter Ndirangu oo 49 sano jir ah, ayaa ah Injineer farsamo wuxuuna helay fursad uu ku tagay Mareykanka sanadkii 1999, markii uu ku guuleystay Card Green laakin waxaa laga soo musaafuriyay Mareykanka sanadkii 2010, kaddib markii ay murmeen isla markaasna uu u gacan qaaday Xaaskiisa oo lagu magacaabo Catherine Wambui, oo ay is qabeen muddo toban sano balse aynan carruur isku dhalin.

Ninkan ayaa sheegay markii uu tagay Mareykanka iney la socotay xaaskiisa oo isagu uu geeyay. Shaqadiisii ugu horreysayna ay ahayd ilaaliye ammaan, isagoo markii dambana ku biiray Shirkada IATA oo uu ka qaatay Koorsooyin dhinca baabuur-wadidda ah.

Ndirangu, ayaa sheegay sidoo kale inuu noqday Darawal wado Baabuurta waa weyn, uuna la  shaqeeyay shirkado badan sidaasna uu ku keydiyay lacag fara-badan.

Markii laga soo tarxiilaayay Mareykanka, ayuu sheegay inuu ku noolaa nolol heer saro ah, uuna ka soo tagay hanti badan oo uu lahaa sida:- Guri, uu ku lahaa Garland, Dallas oo qiimahiisa uu ku sheegay 7.9 Milyan oo Shilling, Gaari weyn oo ah kuwa Xamuulka qaado, Saddex baabuur yar yare oo ah  kuwa raaxada iyo Lacag Malaayiin Shilling-ka Kenya ah u dhiganto.

"Waxaan haystay lacag dhan 6.2 Milyan oo Kenya Shilling una dhiganta 68,000 oo doollar oo ku jirtay Koontada Bangigeyga, taasoo aan ka arruuriyay Ganacsigayga iyo hanti kale oo ay ka mid ahaayeen Guri, Baabuur yar yar iyo mid weyn oo aniga aan iska lahaa”, ayuu yiri Ndirangu oo u waramaayay Warbaahinta Kenya.

Peter Ndirangu ayaa hada wuxuu ku nool yahay xaalad nolosheedu ay aad u adag tahay, wuxuu dagan yahay Guri Kiro ah oo ku yaallo magaalada Nakuru, wuxuuna bixiyaa Bishii lacag 1,500 (Kun iyo Shan Boqol) oo Kenya Shilling oo u dhiganto 16, “Lix iyo Toban” Dollar.

Nolasha hooseyso ee uu ku nool yahay, ayaa waxey ku qasabtay inuu jidadka magaalada Nakuru uu ku dubo Bur, kuwaasoo uu ku gado lacag aad u yar oo 5, shilling ah, waxaana la sheegay maalintii in uunan heli karin Boqol Shilling oo lacagta Kenya ah.

Ninkaan oo toban sano gudaheed maray marxalado kala duwan oo xaga nolasha ah, ayaa waxaa hada ka iibsado Burka uu dubo Eheladiisa iyo waliba asxaabtiisa, wuxuuna inta badan ka sheekeeyaa dhibaatada ku dhacday iyo isbadalka uu soo maray, isagoona ku waaniyo dhalinyarada iney ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada abuuri karo.

Ugu dambeyn, Peter Ndirangu ayaa dharbaaxda xaaskiisa uu ku dhuftay waxay sababtay isbadalka weyn ee ku yimid, wuxuuna sheegay in labo mar la xiray min lix bilood, kadibna laga soo tarxiilay Mareykanka isagoo ka watay hantidisii lacag yar oo u dhiganto 3,400 (Saddex kun iyo afar boqol) oo Kenya Shilling ah, markaas kaddibna uunan u helin hantidiisii madaama uunan wadaninin aqoonsiyadiisii..

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya