4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Jaamacada SIMAD oo xaflad u sameysay Ardayda cusub ee daraasaadka sare


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa waxay maanta qabatay munaasabad lagu dhaweynaysay ardayda cusub ee dhawaan la diiwaan-geliyay. Ardayda lasoo dhaweynayay ayaa ah dufcadii sagaalaad ee daraasaadka sare ee maamulka ganacsiga (Master of Business Administration) iyo dufcadii afaraad ee darajada sare ee maamulka Mashaaricda (Master of Project Management).

Munaasabadda waxaa xafladda furay agaasimaha xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda SIMAD, Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali oo sheegay in ardayda ay kusoo dhawaadaan fursad ay ku helayaan dalkooda gudihiisa.

“Kusoo dhawaada fursad ay adkeyd markii hore in snanado ka hor laga helo gudaha dalka. Maanta fursaddaas waa dhab oo way idin hortaallaa; keliya waxaa dhiman waa idinkoo la yimaada dadaal dheeri ah,” ayuu yiri Dr. Cali Yaasiin.

Sidoo kale, waxaa isna xafladda ka hadlay Mustaf Maxamed Macallin Nuur oo matalayay ardaydii horay uga baxday xarunta CPS-ka. Isagoo xusay in barnaamijkan waxbarashada ee ay dalka keentay Jaamacadda SIMAD uu ka gudbay tijaabo, haddana uu ku jiro xilligii ay ka faa’iidaysan lahaayeen bah-weynta waxbarashada.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad u diyaar garooba inaad waqti badan ku bixisaan howsha idin hortaalla. Maxaa yeelay barnaamijkan waa mid la hubiyay xaqiiqadiisa,” ayuu intaa ku daray Mustaf Macallin.

Gunaanadkii waxaa xafladda ka hadlay, guddoomiyaha SIMAD, Daahir Xasan Carab oo isna sheegay in mar walba Jaamacaddu ay u taagan tahay inay buuxiso booska baahida mihnadeed ee dalka. Isagoo yiri, “SIMAD waxay mar walba astaan u ahayd inay buuxinta baahiyaha jira.”

Ugu dambeyn, Munaasadda waxaa lagu soo gaba-gabeeyay su’aalo ay ardayda cusub wey-diiyeen maamulka xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda iyo macalimiinta wax ka dhiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya