4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia & Madaxda Gobollada


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Muqdisho hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dalka qaarkood, sida C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada-shaqeyn buuxda ay dowladda dhexe iyo maamullada gobolladu u yeelan lahaayeen iyo sidii wadajir ah loo hiigsan lahaa aragtida sanadka 2016-ka ee lagu doonayo in dalka doorasho ay uga dhacdo.

Afhayeenka madaxtooyada, Daa.uud Aweys ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha shirka diiradda lagu saaray ay ka mid ahayd sidii loo joogteyn lahaa kulammada madaxda dalka iyo kuwa gobolladu ay yeeshaan.

“Qodobbada kale ee kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii ciidanka qalabka sida oo dhan loo qarameyn lahaa, ayna gobol walba saldhig weyn ugu yeelan lahaayeen,” ayuu Daa’uud Aweys intaas raaciyay.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in go’aanno laga soo saaro shirka marka lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo kulanka uu ahaa mid albaabbadu u xiran yihiin oo ay saxaafaddu dibadda ka joogto.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dalka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira, iyadoo kulanka uu imaanayo xilli ay caqabad weyn ka jirto in wasiirrada xukuumadda lasoo magacaabo.

Wixii kasoo baxa kulammada waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya