4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Haweenka Bulshada Rayidka ah oo ka hadlay Kulammada Muqdisho ka Socda


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Bulshada rayidka ee gobollada dhexe Somalia oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulanka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Somalia iyo qaar ka mid ah hoggaanka maamullada dhexe ee ka socda Muqdisho. 

Kulan oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’adaha Somali women Developments Center (SWDC) iyo GSA ayaa waxaa kasoo qaybgalay bulshada rayidka iyo haweenka kasoo jeeda gobollada dhexe, iyadoo lagu marti-qaaday qaar ka mid ah ugaasyada Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay nabadda, dib-u-heshiisinta iyo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Ugu horreyn, waxaa goobta ka hadashay, Sahro Maxamed Axmed oo dhanka sharciga kala-talisa xarunta SWDC ayaa sheegtay in haweenka kasoo jeeda gobollada dhexe ay ka gaabiyeen sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadda iyo maamul u sameynta deegaannadooda, iyadoo intaa ku dartay in xarunta SWDC ay diyaar u tahay inay gacan ka geysto sidii ay haweenka door muhiim ah ugu yeelan lahaayeen maamul u sameynta iyo isu-keenida bulshada ku nool gobollada dhexe.

“Bulshada ku nool gobollada dhexe waxay ka hareen gobolladii kale ee dalka; ha noqoto adeegyadii bulshada iyo maamul u sameyntii,” sidaa waxaa tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo guddiga  farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhexe ka tirsan, iyadoo bulshada gobolladaas ku nool u soo jeedisay inay gacmaha is-qabsadeen ayna qayb ka qaataan sidii maamulkooda ay u dhisan lahaayeen, si ay ula mid noqdaan gobollada kale ee maamullada sameystay.

Xubnhii kale ee kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa boqor Faarax Cabdi Guure iyo ugaas Maxamed Bashiir oo labaduba sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan in maamul loo dhan yahay loo sameeyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, hase yeesheen waxay kula dardaarmeen haweenka inay u gun-tadaan sidii gobollada dhexe loogu sameyn lahaa maamul si gobolladaas ay u gaaraan horumar iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka laga soo saaray War-saxaafadeed u qornaa sidan:

“Bulshada rayidka ee kasoo jeeda gobollada dhexe waxay walaac ka qabaan kulanka ka socda Muqdisho oo ay ka qayb-galayaan qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka ka jira ee looga arinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ka jirta. Waxaan aad uga xunnahay in go’aanka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ee shirka looga saaray maamulka Galmudug oo hore uga qayb-galay shirarkii ka dhacay dalka iyo dibaddiisa.” 

War-saxaafadeedka ayaa mar kale lagu yiri. “Waxaan uga baaqaynaa Beesha Caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha Somalia inay si buuxda u ogaadaan dhibka ka imaan kara iyo cidda mas’uuliyaddeeda qaadi doonta. Waxayna si gaar ah uga codsaneynaa dowladaha Somalia dar-dargelinta nabada iyo maamul u sameynta gobollada dhexe in shirka noocan ah uu ku noqon karo caqabad dadaallada socda; waxayna ugu baaqeynaa dadka ku nool gobollada dhexe inay isku tashadaan oo ay sameystaan maamul loo dhan yahay.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya