4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka PL oo soo Dhaweeyay Kulanka Muqdisho


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumer Camey oo maanta shir gudoominayay shirkii caadiga aha ee golaha wasiirada ayaa sheegay in looga hadlay arimo muhiim ah oo la xiriira waxqabadka dowladda.

Camey wuxuu intaa ku daray in diiradda si gaar ah loogu saaray arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’daha dowliga ah ,waxaana ka soo qayb-galay dhamaan golaha wasiirada marka laga reebo xubnihii madaxweyne Gaas u raacay magaalada Muqdisho.

“Puntland waxa ay soo dhaweynaysaa shirka wada tashiga ah ee madaxda maamulada iyo dowladda Soomaaliya uga furmay magaalada Muqdisho,“ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay warbaahinta.

“Waxaan rajaynaynaa in kulankaas uu noqdo mid miro dhal ah oo ay ka soo baxaan go’aamo ka saara shacabka Soomaaliyeed wal-walka ay ka qabaan muddo xiliyeedka hay’adaha dowladda Federaalka ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed lag soo saaray shirka.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah madaxda maamulada Somaliya ,waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arimo muhiim ah oo la xiriira hiigsiga dowladda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor intii uusan ka dhoofin Garowe sheegay in isaga iyo madax kale ay casuumaad ka heleen madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamud

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]