4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Dowladda Shiinaha oo Sheegtay inay Somalia ka Caawinayso dhinacyo badan


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay Somalia ka caawinayso arrimo ay ka mid yihiin geeddi-socodka nabadda, iyadoo sheegtay in ay beesha caalamka kala shaqeynayso howlaha lagu doonayo in Soomaaliya ay u gaarto xasillooni, nabad iyo horumar buuxa.

Ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobay, Liu Jieyi ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu soo dhammaaday kulan looga hadlayay arrimaha Somalia oo xalay yeesheen golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

“Xukuumadda Beijing ayaa dib uga furatay Muqdisho safaaraddeedii sannadkii hore 2014-kii, iyadoo ka taageertay Somalia gargaarka bani'aadamnimada iyo hannaanka dalka lagu gaarsiinayo nabad,” ayuu yiri Liu.

Sidoo kale eraygu wuxuu xusay in Somalia ay horumar dhanka nabadda ah ku tallaabsatay xilliyadii u dambeeyay, isagoo beesha caalamka iyo sidoo kale xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kula talinayay inay sii wadaan taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in Soomaaliya lagala shaqeeyo kor u qaadidda hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo dhanka bani'aadamnimada oo aad ay ugu baahan tahay xilligan Somalia in laga caawiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Liu Jieyi.

Hadalka ergayga China ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli ay ku baaqeen wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in lasii xoojiyo howlaha u dhimman dowladda Somalia si dalka loo gaarsiiyo aragtida cusub ee dalku higsanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya