4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Saraakiil ka tirsan DFS oo Sheegay inay Dagaallo ku dileen Xubno Shabaab ah


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Saraakiisha maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay dagaallo ka dhacay deegaannadaas ay ku dileen xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Salaad Max'ed Ibraahim oo ka mid ah maamulka degmada Waajid ayaa sheegay in dagaal ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay degmadaas kula galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen sarkaal sare.

“Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa nasoo weeraray; iyagoo isku dayay in ay degmada gudaha soo galaan, balse waan iska difaacnay, umana suuro-gelin waxaana ka dilnay sarkaal sare,” ayuu yiri Salaad Maxamed.

Mas’uulkan maamulka degmada Waajid ka tirsan ayaa sheegay in in sarkaalka ay ku dileen dagaalkaas lagu magacaabi jiray Sh. Maxamed Salaad uuna ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Gedo ayaa iyaguna sheegay inay dileen dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab kaddib dagaal ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Col. Cismaan Nuux Xaaji oo ah taliyaha ciidanka dowladda Somalia ee gobolka Gedo oo u warramay warbaahinta Muqdisho ayaa isaguna in dagaalkaas uu ka dhacay deegaano ku dhaw degmada Buurdhuubo, ayna ku dileen 10 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

“Dagaalkaan waxaa qaaday ciidamada dowladda Somalia, waxaana kaga dilnay 10 ruux, dhankeennana waxaa nooga dhaawacmay hal askari, waanan kala wareegnay goobihii lagu dagaalamay,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Nuux.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaallada ay mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Somalia ay sheegeen inay ku dileen xubno ka mid ah xoogaggooda iyo sarkaalka sare.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya