4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Wasiirka magacaaban ee wasaarada difaaca Somalia oo Muqdisho soo gaaray


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhiga Somalia ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka mid ah 20-kii wasiir ee dhawaan lasoo magacaabay ayaa xilka loo magacaabay isagoo dalka dibadda uga maqan; iyadoo imaanshihiisanna ay kusoo beegmayso iyadoo la qorsheynayo in is-bedel lagu sameeyo golaha wasiirrada magaacaaban.

Xubnaha soo dhaweeyay wasiirka magacaaban waxaa ka mid ahaa; taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Somalia, sida taliyaha iyo abaanduulaha iyo weli saraakiil kale oo ciidamada milateriga Soomaaliya ka tirsan.

Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-badan oo isna dhawaan Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay wasiirka magacaaban ee wasaaradda gaashaandhigga Somalia.

Jen. Diini ayaa ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka intii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana markii xilka laga qaaday uu u dhoofay dibadda dalka, isagoo tan iyo xilligaa ku noolaa dalka dibaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa dhawaan la filayaa inuu soo dhameystiro xubnaha golihiisa wasiirrada, kaddib markii uu baarlamaanka weydiistay 10-casho oo dheeraad ah oo loo ogolaaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya