4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Booliska Kenya oo qof Somali ah u qabtay dilka 64-qof oo ka dhacay Mandera


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Booliiska Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa gacanta ku dhigay ruux ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay dilal loo geystay 64-qof oo Kenyan ah dhammaadkii sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2014-ka.

Maxamed Ibraahim Bashiir oo 40-jir ah kana mid ah Soomaalida degmadaas ku nool ayay booliisku sheegeen inay rumeysan yihiin inuu ka dambeeyay dilka dad Kenyan ah oo ay ku jireen macallimiin wax ka dhiga iskuullada gobolka ku yaalla.

“Su’aal ayaan weydiinaynaa tuhmana aan qabannay,” ayuu warbaahinta u sheegay taliyaha booliiska Mandheera, Job Boronjo, isagoo hoos ka xariiqay inay rumeysan yihiin booliisku in Bashiir uu xiriir la leeyahay Salim Abubakar Kitonga oo ah ruuxa ay sida weyn ugu tuhsan yihiin xasuuqaas.

Job Boronjo ayaa intaas ku daray inay rajeynaynaa inay dad kale oo badan u soo qabtaan xasuuqaas, kaddib marka ay dhameystiraan su’aalo weydiinta tuhmahana ay u soo qabteen weerarkaas.

Kitonga ayay booliiska Kenya qabteen toddobaadkii hore, iyadoo maxkamad la horkeenay, uuna sheegay inay lix qof oo kale ku wehliyeen fulinta dilkaas, iyadoo taliyaha booliisku uu sheegay inay baaritaannadu weli socdaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mandheera, Isaiah Mwiranga ayaa maxkamadda ka sheegay in la rumeysan yahay in Kitonga uu waxyaabaha qarxa ka keeno gudaha Soomaaliya uuna soo geliyo Kenya, si dhibaatooyin loogu geysto.

“Waxaanu rumeysannahay in Kitonga uu yahay mas’uulka Al-shabaab uga wakiilka ah in Mandheera uu dagaalyahanno uga qoro si weerarro ay uga geystaan gudaha dalkan Kenya,” ayuu Mwiranga maxkamadda ka sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhowr jeer ay weerarro ka geysteen gudaha Kenya xoogag taabacsan Al-shabaab, iyadoo kooxduna ay horay u sheegatay dilalkii loo geystay 64-qof oo rag iyo dumar isugu jiray, kuwaasoo la dilay bilihii November iyo December 2014-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya