4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Xulka Ivory Cost oo u soo baxay finalka koobka Qaramada Afrika (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Xulka kubadda cagta ee dalka Ivory Coast ayaa u soo baxay finalka koobka Qaramada Afrika; kaddib markii ay xasuuqeen xulkii ay isaga horyimaadeen ciyaartii rubuc-dhammaadka koobka oo ka socday dalka DR Congo, iyadoo xulka Ivory Cost ay noqonayso markii saddexaad oo uu soo gaaro Finaalka koobkan.

Kooxda dalka Ivory Coast ayaan xalay soo bandhigin firfircoonidii lagu yiqiinnay iyagoo u muuqday kuwo caajisan, balse kooxda ayaa ciyaarta ku daah-furtay gool uu dhaliyay ciyaaryahanka u dheela kooxda Man City ee dalka Britain, Yaya Toure. Waxaana goolkan oo uu dhaliyay daqiiqadii 20-aad ee ciiyaarta uu ahaa kii ugu horreeyay uu tan iyo markii uu tartankan billowday dhaliyo.

Intaas kaddib xulka kubadda cagta DR Congo ayaa afar daqiiqo kaddib helay gool ku-laad (Rigoore), waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda weerarka uga ciyaara Mbokani Bezua, kaasoo ciyaarta ka dhigay barbarro 1-1 ah.

Daqiiqaddii 41-aad ee ciyarta ayaa ciyaaranka xulka Ivero Cost, Gervinho wuxuu dhaliyay gool qurux badan oo ka dhigay ciyaarta 2-1 ay hoggaanka ku hayso kooxdiisa. Iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta ay ku dhammaatay 2-1.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxdoo la soo baxeen dar-dar ka duwan tii hore, iyadoo koox walba ay doonaysay inay dhinaca dhulka u dhigto kooxda kale. Waxaana garoonka ka yeerayay buuq aad u badan oo ka imaanayay dhinaca taageerayaasha labada xul.

Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara xuulka Ivory Coast ee Kanon ayaa gool dhaliyay daqiiqadii 68-aad taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1 ay hoggaanka ku hayso kooxda ka socday dalka Ivory Cost, waxaana goolka saddexaad uu ahaa mid aad u qurux badan oo ku yimid ka faa’iideysi.

Goolkii saddexaad ee ay heshay Ivory Cost ayaa niyadjab weyn geliyay xulka DR Congo, iyadoo taageerayaasha xulkan ee garoonka ku sugnaa laga dareemayay niyad-jab weyn. Inkastoo ciyaartoydoodu ay muujiyeen ciyaar aad u wanaagsan intii aanay dhammaan ciyaartu.

Xulka Ivory Coast ayaa finalka koobka xulalka Qaaradda Afrika sidan oo kale u yimid sannadihii 2006-dii iyo 2012-kii iyadoo labada jeerba laga badiyay, iyagoo isku soo beegmay xulalka Masar iyo Zambia.

Caawa ayaa waxaa iyaguna isaga horimaan doona ciyaar rubuc-dhamaadka koobkan ka mid ah xulalka Ghana iyo Equatorial Guinea oo tartankan marti-gelinaya, iyadoo kooxdii ku adkaada ay isku beegmi doonaan xulka Ivory Cost oo xalay badiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya