4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
HANTI-DHOWRKA: Sannadkan Waa Sannadkii la-dagaalanka Musuq-maasuqa


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in sanadkan 2015-ka ay xoojinayaan la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo baaris ay ku sameynayaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Somalia, si loo yareeyo ku takri-falka hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Dr. Jimcaale oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da wuxuu ku sheegay in sannadkan uu yahay midkii isla xisaab-tanka, isla markaana hay’ad walba ay baaris ku sameynayaan.

“Sannadkan cusub waa sannadkii isla-xisaabtanka, ciddii lagu helo musuq-maasuq waa la qabanayaa, waa la xirayaa, hay’adaha amniga ayaa loogu yeerayaa, maxkamad ayaana lasoo taagayaa,” ayuu yiri hanti-dhowruhu.

Isagoo intaas ku daray inay baaris guud ku sameeyeen xafiisyada madaxweynaha Somalia, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, uuna baaritaankaasi ahaa mid madax-bannaan.

“Baaritaanka aan wadno cid ka madax-banaan ma jirto, waxaana dhawaan baarnay xafiiska madaxweynaha Somalia, midka ra’iisul wasaaraha iyo weliba xafiiska afhayeenk guud ee baarlamaanka Somalia. Sannadkan 2015-ka isla-xisaabtan dhab ayaa dhacaya, cidii lagu helo musuq-maasuq iyo xisaab is-daba-marinna sharciga ayaa lala tiigsanayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Jimcaale.

Hanti-dhowrka guud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in baaristooda ay ku bartilmaa-meedsanayaan dad qaas ah, isagoo sheegay in sharciga loo wada-siman yahay, dhammaan hay’adaha dowladda Somalia oo dhanna ay baaris ku sameynayaan.

Si kastaba ah ahaatee, hadalka hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan uu baarlamaanka Somalia ansixiyay sharcigii uu ku shaqeyn lahaa hanti-dhowrka guud, iyadoo sharcigan uu ka qayb-qaadan doono dabagalka musuq-maasuqa lagu sameeyo hantida dowladda, iyadoo uu qeexayo in cid walba oo musuq-maasuq lagu helo lala tiigsado sharciga.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa billowgii sannadkan sheegay in sannadkan uu noqonayo sannadkii ay dagaal adag la geli lahaayeen musuq-maasuqa, maadaama Soomaaliya lagu eedeyo inta badan inuu ka jiro musuqmaasuq baah-san.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya